Warbaahintu waxa ay udubdhexaad u tahay wadanoolaansha iyo xiriirka bulshooyinka dunida ku nool. Waxay inta badan ka shaqaysaa horumarka iyo iskuxiridda dadka. Warbaahintu waa tiirka ay bulshadu ku kala warqaaddo, sida aan wada og nahay qofku ma noolaan karo maalin dhammaystiran in uusan war helin oo waxay lagamamaarmaan u tahay sii noolaanshaha qofka. Mar kasta uu qofka helo war sugan oo saxan waxa uu qaadayaa waddadii uu ku go’aangaari lahaa, kuna sii noolaan lahaa. Warbaahintu waxa ay muhiim u tahay qof kasta, sababtoo ah warku waxa uu asal u yahay in la helo xog ka tarjumaysa dhacdooyinka sida maalinlaha ah u dhaca: dalka gudahiisa ama dibaddiisaba.
Aragtida Xorta Ah
Doorka Warbaahinta Xorta ahi ku Leedahay Bulshada

Saxaafaddu waxaa loo tiriyaa in ay tahay tiirka 4aad ee dawladnimada, waana isha ay bulshadu ka qaadato qishka nolosha iyo sidii ay u wajihi lahaayeen shaqamaalmeedkooda iyo wax kasta oo la hal maala, sida: caafimaadka, waxbarashada, xogaha maalinlaha ah; iyada oo adeegsanaysa hannaan hufan, kuna dhisan istaraatijiyad. Sidaas darteed, waa muhiim saxaafaddu marka ay timaaddo xagga qaabaynta iyo kobcinta aragtida dadka.
Marka laga hadlayo war-isgaarsiinta iyo qiimaha “warku” ku leeyahay nolosha, Soomaalidu waxa ay tiraahdaa: “war iyo wax la cuno baa lagu nool yahay”. Haddii la waayana, “war baa u gaajo kulul”. “War la’aani waa dhego la’aan.” Waxay kaloo tiraahdaa “War la’aan col hodday.” Maxaa yeelay: “war la helaa talo la helaa.” “Warmooge[na] wehel ma leh.”
Saxaafaddu waxa ay door weyn ka ciyaartay dibusoocelinta dawladnimada iyo adkaynta dimuqraadiyadda. In muddo ah Soomaaliya waxa ay ku jirtay xilli colaadeed iyo burbur baahsan oo ka jiray guud ahaan geyiga Soomaaliyeed, sidaas oo ay tahay saxaafaddu waxay ka shaqaysay in dib loo soo celiyo wacyiga bulshada iyo ilaalinta nabadda, amniga iyo guud ahaan wada noolaanshaha bulshada. Horumarka saxaafadda Soomaaliyeed waxaa fura u ahaa qoritaanka far Soomaalida, taasoo dhaxalsiisay inay noqoto mid ay ka faa’iidaystaan dadka Soomaaliyeed oo dhan miyi iyo magaalaba oo markii horeba ku ekaa dhegaysiga idaacadaha, kuwaas oo bartay akhriska iyo qorista intaba, tanina waa guul u soo hoyatay saxaafadda soomaaliyeed iyo shacabkaba.
Warbaahinta Soomaalida markii loo abtiriyo, wixii ugu horreeyay ee la akhristo waxa ay ahaayeen wargeysyo; waxa ay ka mid yihiin ilaha xogeed ee loogu kalsooni badanyahay waxa aynu ka helnaa warar, aqoon kororsi iyo madadaalo. Waxaa muddooyinkii dame, wargeysyadaas dib kaga soo biireen qeybaha kale ee warbaahinta sida (idaacadaha iyo muuqaalbaahiyaasha). Haddii aan ka sooyaalayno, waxaa loo kala abla-ablayn karaa dhawr marxaladood: Ka hor xornimadii dawladnimada Soomaaliya, tobankii sanno ee Dawladdii Rayidka, 21kii sanno ee ka caanka, iyo ka dib burburkii dawladdii dhexe, taas oo uu hoggaaminayay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.
Xilliyadaas waxay ka sinnaayeen in ay koobnaayeen hay’adaha warbaahineed ee dalka ka jiray. Tusaale, xilligii Kacaanka waxaa dalka ka jiray labo idaacadood iyo wargeysyo dhawr ah – taas oo qeyb ka ahayd in la joojiyo xorriyadda hadalka, waxayna dawladdii millateriga xirtay dhammaan qeybihii saxaafadda gaarka ahaa, inta aan ka ahayn: Wargeysyada faafiya siyaasaddii Kacaanka iyo labada idaacadood ee Raadiyo Muqdisho iyo Raadiyo Hargeysa oo horaba Dawladdu gacanta ugu haysay.
Markii ay dawladdaas burburtay, waxaa dhacay qarax dadweyne oo ku salaysnaa in ay dadka si xor ah u hadlaan, waxaana dalka ka soo baxay wargeysyo iyo idaacaddo farabadan. Waxaa la qiyaasaa, in wargeysyada ay gaarayeen ilaa 180 wargeys, halka idaacadahu ay ahaayeen 45. Laakiin, nasiibdarro saxaafaddaas xorta ah ee soo korortay waxay si dadban iyo toosba ka qeyb qaadatay hurinta colaadaha iyo in ay qabyaaladdu xoogaysato. Taasoo caqabad weyn ku noqotay noloshii bulshada.
Xorriyada hadalka markaan si gaar ah uga hadlayno waa in qof kasta oo muwaadin ah uu soo gudbin karo fikirkiisa, ka hadli karo argtiyadiisa gaarka ah una soo gudbin karo si aan ku jirin cabsi iyo handadaad kaga imaanaysa dhanka dawladda iyo nadaamka jira. Sharciga caalamiga ah ee xuquuqul insaanka wuxuu qeexayaa xaqa xorriyadda aragtida iyadoo aan lagu samaynin wax faragelin ah iyo xaqa xorriyadda hadalka, oo ka kooban xaqa raadinta, helidda iyo gudbinta xogta iyo fikradaha noocyadooda kaladuwan, oo ay ka mid yihiin doodaha siyaasadeed, faallo qof uu ka baxshay arrimihiisa gaarka ah iyo arrimo khuseeya dadweynaha, raadinta codadka, doodaha ku saabsan xuquuqul insaanka, saxaafadda, muujinta dhaqanka iyo farshaxanka, baridda iyo ka doodista arrimo ku saabsan diinta. Sidaas darteed, xattaa hadal loo arki karo inuu yahay mid aad meel-ka-dhac u ah waa la ogolyahay marba haddii uu soo hoosgalayo qodobka 19(2) ICCPR. Iyadoo inta badan la israacsiiyo, ayaa haddana xaqa xorriyadda aragtida iyo [xorriyadda] hadalku ay yihiin laba shey oo kala duwan. Sharciga caalamiga ah ee xuquuqul insaanku wuxuu dhowraa nooc kasta oo ay tahay aragti-cabbiriddu. Hanjabaad, cabsigelin ama faquuqid qof lagu sameeyo, oo ay ka mid yihiin xarig, xabsigelin, maxkamadayn ama xabsi-ku-hayn loo cuskanayo fikir uu qofku aamnisanyahay, waxay noqonayaan xadgudubyo ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee xuquuqul-insaanka. Sidaas darteed, aaminsanaanta fikir lagama dhigi karo faldenbiyeed xabsi lagu mudan karo.
Dhinaca kale, sharciga caalamiga ah wuxuu oglyahay in la xaddido xorriyadda hadalka labo sababood oo gaar ah awgood: (1) iyadoo lagu ixtiraamaayo xuquuqda iyo sumcadda dadka kale, iyo (2) in lagu ilaalinayo amniga qaranka ama kala dambaynta dalka ama caafimaadka bulshada ama anshaxa guud. Sidaas oo ay tahay, xayiraadahaas looma fasiran karo qaab “halisgelinaya” xuquuqda [kale] ama abuuraya xaalad wax aan sharci ahayn ka dhigaysa sharci. Sidoo kale, xayiraadahaas waa in “sharcigu oggolyahay” laguna sameeyay “qiimayn adag oo lagu sameeyay baahida loo qabo iyo faa’iidada ku jirta.” Intaas waxaa sii dheer, “xayiraadahaas waa in loo adeegsadaa oo kaliya ujeeddooyinka loogu talagalay waana in si toos ah ula xiriiraan baahida sida gaarka loogugu asteeyay.” Dawladuhu waa inay u hawlgalaan sidii lagu baabi’in lahaa caqabadaha xagga qaabdhismeedka, sharci iyo fal ahaanta ee ku horgudboon in lagu naalloodo xaqa xorriyadda aragtida iyo hadalka. Sidaas darteed, waa in la sii diyaariyaa “tallaabooyin loogaga hortago weerarro lagu aamusinayo dadka adeegsanaya xaqa ay u leeyihiin xoriyadda hadalka”, xayiraad kasta ee lagu soo rogo xorriyadda hadalka lama “adeegsan karo iyadoo marmarsiiyo laga dhiganayo aamusinta codadka u doodaya dimuqraadiyadda xisbiyada badan, mabaadi’da dimuqraadiyadda iyo xuquuqul insaanka.”
Saxaafadda Soomaalida waxaa si weyn uga muuqda in xorriyadda hadalka aan weli gaarin haalkii laga rabay ama aysan jirin is aqbalaad dhanka hadalka iyo fikrad kala duwanaanshaha ah. tusaale maalmahaan danbe waxaan aragnaa dad badan oo fekerkooda ka hadlay in si fudud la isaga xiro oo xabsi la dhigo. Afartii sano ee la soo dhaafay Waxaa la xiray 215 wariye iyo dad kale oo aan wariye ahayn oo aragtidooda ka hadlay. Wariyayaashaas 43 ka mid ah waxa ay ahaayeen haween. Laguma xirin dhibaatooyin kale, waxaase loo haysto ayaa ah in ay ka hadleen caqabad bulshada haysatay iyo dhibaatooyin dawladdu kula kacday dadweynaha ku nool dalka gudahiisa.
Qof kasta, ha noqdo wariye ama yuusan noqone, waxa uu xaq u leeyahay in uu ka hadli karo xuquuqdiisa, fikradihiisa iyo argtiyadiisa ku aaddan dawladdhiska iyo sida uu wax u arko.

From the comments