15ka Luulyo, sannad kasta, dunidu waxay xustaa Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada (World Youth Skills Day), oo ah maalin lagu qaadaadhigo kaalinta muhiimka ah ee xirfaduhu ku leeyihiin nolosha iyo mustaqbalka dhallinyarada. Ujeeddada maalintan waa in la muujiyo baahida loo qabo in dhallinyarada la siiyo aqoon iyo tababbarro ka caawinaya inay helaan shaqooyin wanaagsan ama abuuraan fursado cusub.
Aragtida Xorta Ah
15 Luulyo: Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada (World Youth Skills Day)

Sannadkan 2026, xuska maalintani wuxuu ku soo aadayaa xilli suuqa shaqadu si weyn isu beddelayo. Tiknoolajiyada cusub, gaar ahaan Garaadgacmeedka (AI), ayaa saamayn ku yeelanaya shaqooyin badan, taas oo dhallinyarada ku qasbaysa inay bartaan xirfado cusub oo la jaanqaadaya xaaladaha hadda jira iyo baahiyaha suuqa shaqada.
Sidee ayay ku Bilaabatay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyaradu?
Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada waxaa la asteeyey sannadkii 2014, kaddib markii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay uu aqoonsaday muhiimadda ay leedahay in dhallinyarada la siiyo xirfado shaqo. Xuskii ugu horreeyeyna wuxuu qabsoomay sannadkii 2015.
Sababta ugu weyn ee maalintan loo aasaasay waxay ahayd shaqala’aanta baahsan ee haysata dhallinyarada dunida, inkasta oo qaar badan oo ka mid ahi ay heleen waxbarasho rasmi ah.
Dhibaatada ugu weyn waxay ahayd farqiga u dhexeeya aqoonta lagu barto iskuullada iyo jaamacadaha iyo xirfadaha dhab ahaan looga baahan yahay goobaha shaqada. Sidaas darteed, waxaa la bilaabay dadaallo lagu xoojinayo waxbarashada farsamada iyo tababbarrada xirfadeed.
Waxyaabihii Laga Bartay Sannadihii Hore
Sannadihii la soo dhaafay, munaasabadaha Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyaradu waxay iftiimiyeen caqabado badan oo hortaagan dhallinyarada. Arrimaha sida weyn looga hadlay waxaa ka mid ahaa in shahaaddo keli ahi aanay qofka u dammaanadqaadi karin shaqo, haddii aanu lahayn xirfado dheeraad ah oo la jaanqaadaya baahiyaha suuqa.
Khubarrada waxbarashada iyo shaqadu waxay tilmaameen in dhallinyarada maanta looga baahan yahay inay yeeshaan awood ay ku isticmaalaan tiknoolajiyada, ku xalliyaan dhibaatooyinka, kula shaqeeyaan dadka kale, isla markaana si fudud ula qabsadaan isbeddellada.
Waxa kale oo laga bartay xuska sannadihii hore in dawladaha, shirkadaha iyo xarumaha waxbarashadu ay wada shaqeeyaan, si dhallinyarada loogu diyaariyo fursadaha shaqo ee hadda jira iyo kuwa mustaqbalka soo baxaya.
Waxa ay Khubarradu ka Yiraahdeen Xirfadaha Mustaqbalka
Khubarro badan ayaa aaminsan in shaqooyinka mustaqbalku aanay la mid noqon doonin kuwii hore. Tiknoolajiyadu waxay meesha ka saaraysaa ama wax ka beddelaysaa qaar ka mid ah shaqooyinka dhaqameed, balse waxay sidoo kale abuuraysaa shaqooyin cusub oo u baahan aqoon iyo xirfado casri ah.
Khubarradu waxay tilmaameen in dhallinyaradu aanay ku ekaan xirfadaha farsamada oo keliya, balse ay muhiim tahay inay bartaan xirfadaha qofeed, sida isgaarsiinta, hoggaaminta, hal-abuurka iyo xallinta dhibaatooyinka.
Sida ay khubarradu sheegayaan, qofka awooda inuu si joogto ah wax u barto, aqoontiisa cusboonaysiiyo, isla markaana yeesho xirfado cusub ayaa fursad wanaagsan ka heli doona suuqa shaqada ee mustaqbalka.
Maxaa ku Cusub Sannadka 2026?
Sannadka 2026, waxaa si gaar ah diiradda loo saarayaa saamaynta tiknoolajiyada cusub ay ku leedahay shaqada. GaraadGacmeedku, wuxuu noqday arrin si weyn u saamaynaysa ganacsiga, waxbarashada iyo shaqooyinka kala duwan.
Dhallinyarada, waxaa hadda looga baahan yahay inay fahmaan sida loo isticmaalo qalabka dijitaalka ah, xogta, barnaamijyada kombiyuutarka iyo adeegyada internetka. Sidoo kale, waxaa soo badanaya baahida loo qabo xirfadaha la xidhiidha tamarta nadiifta ah, ilaalinta deegaanka iyo ganacsiyada cusub.
Arrin kale oo sannadkan muhiim ah ayaa ah in la kordhiyo fursadaha ay helaan dhallinyarada ku nool dalalka soo koraya, kuwaas oo inta badan wajahaya caqabado la xidhiidha helitaanka tababbar tayo leh, tiknoolajiyad iyo qalab casri ah.
Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Baahida Xirfadaha
Soomaaliya, waxay leedahay bulsho ay dhallinyaradu qaybta ugu badan ka yihiin, taas oo noqon karta awood weyn haddii loo diyaariyo xirfadaha saxda ah. Si kastaba ha ahaatee, dhallinyarada dalka waxay wajahaan caqabado ay ka mid yihiin shaqala’aan, fursadaha tababbar oo kooban iyo shaqooyin aan ku filnayn tirada dadka shaqadoonka ah.
Si xal loogu helo arrintan, waxaa muhiim ah in la horumariyo xarumaha waxbarashada farsamada, la taageero dhallinyarada bilaabaya ganacsiyada, lana kordhiyo tababbarrada ku saabsan tiknoolajiyada iyo xirfadaha casriga ah.
Waxaa sidoo kale loo baahan yahay in manhajyada waxbarashada laga dhigo kuwo la jaanqaadaya baahiyaha suuqa shaqada, si ay ardaydu u helaan aqoon aragtiyeed iyo xirfado waxqabad oo isku dheellitiran.
Dhallinyarada leh xirfado wanaagsan waxay heli karaan fursado badan, waxayna door weyn ka qaadan karaan horumarinta dhaqaalaha, bulshada iyo dibudhiska dalka.
Gunaanad
Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026 waxay muujinaysaa in xirfaduhu yihiin qayb muhiim ah oo ka mid ah diyaarinta dhallinyarada. Xilligan ay shaqooyinka iyo tiknoolajiyaddu si degdeg ah isu beddelayaan, qofka leh xirfado kala duwan wuxuu heli karaa fursado badan.
Casharka laga bartay sannadihii hore ayaa ah in dhallinyarada aan loo diyaarin oo keliya shaqooyinka maanta jira, balse loo diyaariyo kuwa berri iman doona. Taasi waxay u baahan tahay iskaashi dhexmara; dawladaha, xarumaha waxbarashada, shirkadaha iyo dhallinyarada laftooda.
Maalgelinta xirfadaha dhallinyaradu waa tallaabo muhiim ah oo lagu dhisayo bulsho awood u leh inay wajahdo caqabadaha mustaqbalka, ka faa’iidaysato fursadaha cusub, isla markaasna gaarto horumar waara.

From the comments