Xaafaddan waxa la yidhaahdaa Carwadii Hore [ex-fiyore], waa hoyga Hobolladii Qaranka ee Waaberi. Kuwani waa guryihii ay degganaayeen hablihii iyo wiilashii qaabeeyay shucuurta dadweynaha, isla markaasna noqday xiddigaha waaweyn, ee ay Soomaalidu bidhaansato. Labo sano oo aan xaafaddan deggannaa waxaan la saaxiibay waaweynkii hore ee Waaberi inta ka nool, waxaanan ka korodhsaday waaya-aragnimo faneed iyo mid nololeed oo qotadheer.
Aragti
XUSUUSTA KOOXDII WAABERI

Sannadkii 1972dii ayaa laysku daray kooxihii fanka ee idaacadaha Raadiyaw Hargeysa, Raadiyaw Muqdisho iyo kooxdii Xoogga Dalka, waxaana la aasaasay kooxda Waaberi, ee magaca iyo mahadhada weyn xusuusta Soomaalida ku reebtay.
1. Fannaaniinta Waaberi intooda badani waxay degganaan jireen Carwadii Hore, oo markii hore ahayd carwo ganacsi, oo Golaha Murtida iyo Madaddaalada (Masraxa Qaranka) u dhowayd. Inta hoolalkii carwada qolal loo kala xidhxidhay, ayaa loo qaybiyay xubnihii Waaberi. Intiinna aan hore u arag, Carwadii Hore waa daaro, guryo gaagaaban, iyo jiingado [baacweyne] uu ku wareegsan yahay xayndaab, afaafkiisana ay ku taallo dhig weyn oo shub ahi.
Waaberi waxay ka koobnayd qaybo kaladuwan, oo kaalin lama illawaan ah ku lahaa waxsoosaarkii kooxda. Guushii Waaberi waxa qaabeeyay siddeed qolo oo kala ah: maamulka, abwaannada (mu’alifiinta), laxamiistayaasha, muusiishanka, heesaaga, jilaayaasha, ciyaartoyga [foolkoloorka], iyo farsamayaqaanka. Waxa iyaguna kaalintooda aan la hilmaami karin weriyaashii Qaranka, oo dhanka xidhiidhinta iyo hagista barmaamijyada halbowle u ahaan jiray.
Maamulka Masraxa Qaranka iyo kooxda Waaberi waxa soo maray burburka kahor lix maareeye oo kala ahaa: Maxamed Ciise Cabdi (Ganey), Rashiid-Caanaboodhe, Cabdillaahi Xasan Xuseen (Hantiwadaag), Maxamed Nuur Shareeco iyo Cabdi Xaashi Cabdi.
2. Kaalinta ay kooxdii Waaberi ummadda ugu jirtay waxa si wacan hees ugu qeexay abwaan Xasan Sheekh Muumin. Waxay hormuud ka ahaayeen horumarinta afka, hagista dadweynaha, haasaawinta bulshada iyo dhawrista hiddaha Soomaalida. Heesahooda ayaa laga baran jiray suugaanta, ruwaayadahooda ayaa wacyiga bulshada jihayn jiray, waxsoosaarkooda ayaa ahaa madaddaalada ugu weyn ee dadka, maansooyinkooda ayaana dhiirrigelin jiray dhaqanka iyo qiyamka wanaagsan.
Dadka dhaliila ayaa iyaguna sheega kaalinta taban ee Waaberi. Waxay heesaha Waaberi ka qaybqaateen marinhabaabinta wacyiga siyaasadeed ee bulshada, waxaanay mikirifoon borobagaando iyo mid baqagelineed u ahaayeen xukun milatari oo qooqaa ah. Dhan kale, waxay horseed u ahaayeen caadooyin iyo balwado taban oo ay bulshadu qabatintay.
Qaybaha kaladuwan ee Waaberi shaqooyinka qaranka iyo barmaamijyada Kacaanka way isugu imaan jireen, oo way wada qaban jireen. Laakiin, barmaamijyada lacagta ah sida riwaayadaha kooxo ayay kala ahaayeen, intii isfahantaba ay gaarkeeda u shaqaysato. Tusaale ahaan, abwaanku marka uu riwaayad allifo, koox la shaqaysa ayuu xulan jiray. Kooxdaasina markay muddo dheer wada shaqayso, waxay noqon jireen saaxiibbo isfahansan oo hawlo kalana wada qabta.
Abwaanku marka uu ruwaayada keeno waxa loo furi jiray xisaab lacageed, oo marka riwaayada la dhigo laga jari jiray. Lacagtaasi waxay ku bixi jirtay xifdiga, lebbiska, fadhiga, qaadka iyo qarashaadka kale ee hawsha.
3. Maansadu waa muraayada qalbiga, iyo codka dareennada qotadadheer; abwaannaduna waa ergooyinka gudbiya rafaadka iyo riyooyinka noolaha. Jiraalka intay dhinac kasta ka fiiriyaan, ayay afhayeen u noqdaan aqlabiyadda aamusan, ee abuurta oo dhan. Dhacdooyinka nolosha ee aan dadka u wada muuqan ayay ka sameeyaan suugaan xeeldheer, marar kalana waayo soo socda oo aan cid kale u muuqan ayay bulshada u tilmaamaan.
Abwaanku wuxuu ku eegaa nolosha daymo dhugasho, oo ka duwan dhaayaha dadka kale. Wuxuu u fiirsadaa waxyaabo yaryar, oo aan dadka kale dan ka lahayn, waxaanu isku xidhaa macnayaal aanay cid kale isqabadsiin karin. Waxa laga yaabaa muuqaalka gabbaldhaca inuu ka dheegto tix kalatag jacayl ah; ama uu waayeel cirka fiirinaya ka sameeyo maanso rejada iyo iimaanka ku saaban.
Abwaannadu waxay halbowle u ahaayeen shaqadii kooxdii hobolada Qaranka ee Waaberi, waayo erayada ay curiyaan ayaa lagu dhisi jiray dhammaan shaqooyinka kale ee kooxda sida laxanka, muusiga, codka iyo farsamada. Dhinaca kale, abwaannada waaweyni waxay ahaayeen hoggaamiyaal iyo maamulayaal haybad leh, oo bahda fanka madax iyo musdanbeedba u ah. Iyaga talo iyo tabaabushaba horseed u ahaan jiray hawlaha kooxda.
Marka ay abwaannadu suugaan ka sameeyan qisooyinka noloshooda, qisooyinka dadka kale, ama qisooyin ay khayaalkooda ka curiyeen; waxay ka hawlgeli jireen sidii ay suugaantaas dadweynaha u soo gaadhsiin lahaayeen, iyaga oo ka dhigaya ruwaayado, heeso iyo sheekooyin raadiyaha laga baahiyo.
Abwaannadii murtida iyo macnaha Soomaalida koriyay ee Waaberi waxa ka mid ahaa: Cabdillaahi Qarshe, Axmed Saleebaan Bidde, Xuseen Aw Faarax Dubbad, Cali Sugulle, Maxamed Cali Kaariye, Cabdulle Raage Taraawiil, Maxamed Cumar Huryo, Maxamuud Tukaale Cismaan, Siciid Maxamed Cali (Xarawo), Xasan Xaaji Cabdillaahi [Xasan-Ganey], Cabdi Muxumed Amiin, Maxamuud Cabdilaahi Sangub, Maxamed Aadan Dacar, Cabullaahi Diiriye Sooraan, Yuusuf Aadan Xuseen [Allaale], Cismaan Aadan Xuseen [Askari], Axmedday Cabdi Gaashaan, Maxamed Nuur Shareeco, Cabdi Xandulle Shanle iyo Cabdi-Dhuux Yuusuf Xasan.
4. Laxanku waa fanka sixirka ah, ee erayada aamusan u roga codadka waaritaanka ah, ee goob iyo goor kasta dhaafsiisan. Laxanku waa fanka u sameeya heesaha ruuxda, ee ka dhigo mahadhooyin shucuur iyo kuwo quruxeed, oo xusuusta facyaasha aan ka go’in weligood. Mullaxanku waa fannaanka u turjuma erayada iyo dareenka tixaha, codad maguuraan ah oo xanxanteeya quluubta saarreyda.
Haddii ay abwaannadu tixo ka curiyaan sheekada bulshada iyo waayaha naftooda saameynta ku leh, laxamaystayaashuna waxay codad u sameeyaan erayada abwaannada ee dareenkooda cariya. Mullaxanku wuxuu dhuuxaa erayada heesaha, si uu u fahmo nuxurka ay sidaan, iyo nooca shucuurka ay xanbaarsan yihiin. Marka uu dhuuxo erayada iyo dareenkoodu sida uu yahay: murugo, farxad, boholyow, buufis iwm ayuu saaraa laxan u qalma.
Kaalinta laxanku waa mid halbawle u ah heesta, waayo laxanku wuxuu muujiyaa shucuurka erayada, wuxuu qurxiyaa dhadhansiga heesta, ugu danbayna laxanku wuxuu qaabeeyaa summadda heesta, isaga oo siiya siiq gooniya oo ay kaga duwan tahay heesaha kale, taas oo ay xusuusteedu ku dhagto maanka dhegaystayaasha.
Marka ay doonayaan laxamiistayaashu inay hees laxameeyaan waxay marka hore akhriyaan tixda, markaas kadib ayay qiimeeyaan dhumucda erayada, farshaxanka balaaqada iyo shucuurka ay xanbaarsan tahay; iyaga oo sida oo kale qiyaasa xadhiga [toonka] uu ka heesi karo hoobalka ama hoobaladdu. Markaas kadib ayay raadiyaan laxan habboon, oo u qalma, isla markaana tixda meel dheer gaadhsiin kara. Mararka qaarkood si degdeg ah oo fudud ayay laxamiistayaashu codadka u sameeyaan, mararka qaarkoodna way la raagaan, iyaga oo baadidoonaya ilhaanta curinta. Baadidoonka laxanka dartii, mar waxay garaacdaam kaman, marar kale waxay tuntaan durbaan, mar kale bawdadooda ayay muusig ka dhigtaan, mar kale way foodhyaan, marar kalena way lugeeyaan.
Isaga oo hadba eegaya dareenka erayada, laxamiistuhu wuxuu ku dhisaa laxanka ridam gaar ah oo ka turjumaya shucuurka erayada [murugo iyo farxad] iyo socodkooda [qunyar iyo degdeg]. Ridamyada ay Soomaalidu laxankooda ku dhisto waxa ka mid ah fogos, saambo, karaatriisti, faalsar, reegee iyo maaj. Ridamyadu waa qaabka durbaanka loo tumo, kaas oo udubdhexaad u ah habdhaca heesta.
Laxamaystayaashii Waaberi xusuusta heesaha waariyay waxa ka mid ahaa: Cabdillaahi Qarshe, Cabdikariim Faarax Qaaray [Jiir], Axmed Nuur Jaangow, Xasan Sabriye Afrax [Gareyd], Siciid Maxamed Cali (Xarawo), Saalax Qaasim Naaji, Cabdulle Yuusuf Hanuuniye, Cabdi Cali Bacalwaan, Axmed Gacayte, Rashiid Bullo, Axmed Cali Cigaal, Maxamed Saleebaan Tubeec, Cali Sugulle [Duncarbeed], Xasan Aadan Samatar, Daa’uud Cali Masxaf, Maxamed Aadan Shamuuri, Aways Nuur Goobe iyo Salaad Maxamed Darbi (Cabdikariin-Jiir iyo Axmed Nuur Jaangow saaxiibbo ayay la ahaayeen Waaberi, oo si gaar ah ayay ula shaqayn jireen, balse kamaysan tirsanayn Waaberidii hore).
5. Dulucda aanay cabbiri karin erayadu, iyo dareenka aanay gudbin karin laxannadu, waxa xuduudaha iyo xilliyada ka tallaabiya muusiga, oo ah luuqadda caalamiga ah ee ruuxda. Muusiggu waa wadnaha garaacmaya ee heesta, waxaanu mar kordhiyaa damaashaadka farxadda, mar kalena wuxuu buunbuuniyaa diifta murugada, mar kalena wuxuu oogaa dabka boholyawga. Dadweynaha caalamku ma wada yaqaannaan erayada afafka adduunka, mana wada dhaadi karaan xadhkaha laxannada bulshooyinka, balse jabaqda muusigu waa caalami, ay cid kastaa dhadhansan karto. Sidaas darteed, muusigu isaga oo maxalli ah, ayuu haddana yahay biriij dhaqan, oo isku xidha beelaha caalamka.
Marka ay isku milnaan erayada, laxanka iyo muusigu waxa inoo soo baxa mahadho faneed oo ashqaraar ah. Qalab kasta oo muusig ahi wuxuu baalal u yeelaa dareenka erayada iyo laxanku xanbaarsan yihiin, waxaanu dalxiis u geeyaa quluubta mucaashiqiinta hirarka cagaaran jabaqda.
Erayadu si kasta oo ay u xeeldheer yihiin, ama laxannaduna si kasta oo ay ashqaraar u yihiin, haddii aanay heesta ku ladhnayn qalabyada muusigu jac ma yeelanayso. Tusaale ahaan qalabyada xadhkoolayda ahi, sida cuudka iyo giitaarku waxay wataan boholyaw qotadheer; qalabyada afuufleyda ahina, waxay xanbaarsan yihiin murugo xeeldheer; halka qalabyada durbaanleyda ahi, sida baytariga iyo durbaanku ay ka wataan farxad baacfog.
Inta badan laxamiistayaasha ayaa soo dhisa qaabka muusiga ee ay rabaan, kadibna waxay u keenaan muusiishanka oo u tuma sida uu laxamiistuhu rabo; marar kalena laxanka oo qallalan ayaa muusiishanka loo geeyaa, kadibna iyaga ayaa u dhisa muusig ku habboon. Dhismaha muusiga waxa bilaaba organiistaha, kaas oo fadhiisiya nashqadda muusigga isaga oo ka duulaya ridamkii laxanka, kadibna xerta qalabyada kale, oo dhan ayaa raaca hannaanka organka. Sidaas ayaa lagu dhisaa muusig dhammaystiran oo farshaxan ah.
Soomaalidu waxay isticmaashaa qalabyo muusig oo kala duwan, kuwaas oo ay u qaybiyaan: qalablayda la afuufo [fiyaato] oo ah ka mid yihiin: sigsafoon tinnaar, sigsafoon aalto, kalariin, korneeto, suburaano, fuluut [foodhi]; qalabyad la tumo [durbaanley], sida baytari, boonge, boonge bays iyo tunbug; iyo kuwa xadhkooleyda ah iyo kuwa korontooleyda ah, sida giitaar bays, giitaar caadi, organ, kaman iyo fiyooliin.
Muusishankii Waaberi waxa ka mid ahaa: Cabdillaahi Qarshe, Siciid Maxamed Cali (Xarawo), Cabdi Calasow Nuur, Cabdi Cali Rooble, Muuse Maxamed Cismaan, Axmed Naaji Sacad, Saalax Qaasim Naaji, Daa’uud Cali Masxaf, Cumar Cabdalle Shoolli, Maxamed Ciise Cabdi, Maxamed Cabdi Khayre [Beerfale], Aways Goobe, Xuseen Sheekh Jumca, Maxamed Siciid Bakaari, Xasaani Shahiibuu Muuse, Xuseen Mabruuki, Siciid Isloow Abiikar, Maxamed Saleebaan al-Mahdi, Maxamed Maclow Nuur, Cabdullaahi Cali Cismaan “Baroor”, Xalwo Maxamed Naxar, Muslimo Qaasim Hilowle, Caaliyo Cabdulle Calasow iyo Caasha Hilowle.
6. Heesaagu waa kuwa ugu magaca dheer kooxda Waaberi. Waa hiboolayaasha erayada laxamaysan codkooda dahabiga ah dadka ku gaadhsiiya.
Heesaagii hirgalay ee kooxdii Waaberi waxa ka mid ahaa: Cabdillaahi Qarshe, Maxamed Yuusuf Cabdi, Maxamed Axmed Kuluc, Maxamed Saleebaan Tubeec, Cismaan Cabdikariin Gacanlow, Khadiijo Cabdillaahi Dalays, Saynab Xaaji Cali (Baxsan), Xaliimo Khaliif Cumar (Magool), Sahra Axmed Jaamac, Maryan Mursal Ciise, Cumar Dhuule Cali, Cabdi Cali Bacalwaan, Faadumo Cabdillaahi Kaahin (Maandeeq), Khadra Daahir Cige, Cabdi Salaad Aadan (Beerdillaacshe), Habboon Cabdillaahi, Aamina Cabdillaahi Xirsi, Saafi Ducaale, Saado Cali Warsame, Cabdinaasir Macallin Siciid, Qamar Cabdillaahi Harawo, Faynuus Sheekh Daahir iyo Sureer Axmad Faarax.
7. Bahda jilaaga waxa lagu tilmaami karaa milixdii fanka. Barmaamij kasta iyaga ayaa qurxin jiray, jewi farxadeedna u samayn jiray. Dhanka kale marka laga eegana jilaanimadu waxay ahayd hibo inta badan kulmisa badbahweynta Waaberi, oo waxa jiray abwaanno jilaa ah, heesaa jilaa ah iyo ciyaartoy jilaa ah.
Jillaaga waxa lagu bartay riwaayadihii Waaberi oo ay halbawle u ahaayeen, ruwaayadahaas oo magaalooyinka dalka oo dhan la soo marin jiray. Sida oo kale waxay ka qaybqaadan jireen barmaamijyada iyo munaasibadaha gaarka ee kooxda lagu casuumo, iyaga oo golayaasha la iman jiray madaddaalo farriimo iyo farxadba gudbinaya. Tusaale ahaan, waxay shidi jireen maalmaha gobanimada, maalinta Oktoobbar, iyo maalinta shaqaalaha.
Jilayaashii farxadda ku sawiran wejiyada Soomaalida waxa ka mid ahaa: Maxamed Cumar Huryo, Cabdi Muxumed Amiin, Maxamuud Cabdilaahi Sangub, Cabdulle Raage Taraawiil, Maxamed Aadan Dacar, Cabullaahi Diiriye Sooraan, Xuseen Xirsi Caddib (Boon), Ismaaciil Cabdi Basbaas, Maxamed Yuusuf Cabdi, Maxamed Saleebaan Tubeec, Maxamed Axmed Kuluc, Cismaan Cabdikariin Gacanlow, Khadiijo Cabdillaahi Dalays, Saynab Xaaji Cali (Baxsan), Sahra Axmed Jaamac, Xaliimo Khaliif Cumar (Magool), Maryan Mursal Ciise, Cumar Dhuule Cali, Cabdi Cali Bacalwaan, Faadumo Cabdillaahi Kaahin (Maandeeq), Khadra Daahir Cige, Cabdi Salaad Aadan (Beerdillaacshe), Habboon Cabdillaahi, Aamina Cabdillaahi Xirsi, Saafi Ducaale, Saado Cali Warsame, Cabdinaasir Macallin Siciid, Qamar Cabdillaahi Harawo, Faynuus Sheekh Daahir, Faadumo Muuse Guuleed, Barakow Bullow, Faarax Guuleed, Aw Koombe, Cibaado Axmed, Xaawa Xaaji, Daahir Xaaji iyo Sureer Axmad Faarax.
8. Bahda ciyaaraha dhaqanku (Foolkaloor) waxay ahaayeen kuwa ugu magaca weyn marka la joogo fagaarayaasha caalamka. Iyaga ayaa biladaha ugu soo hoyn jiray, fankeennana caalamka ka iibiyay. Waxay munaasibadaha iyo masraxyada dunida ku soo bandhigi jireen ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ee ay ka mid yihiin kabeebay, bullo, saylici, dhaanto, wareegto, wilisiqo, shirib, shabshable iyo jaandheer (botor).
Inta badan raggu waxay xidhan jireen macawis cad, go’ cad, shaati cad (funaanad) iyo sun cagaar ah. Qalab ahaanna waxay u qaadan jireen waran iyo gaashaan. Dumarka waxay xidhan jireen subeeciyad (ilindi), boqor, dhacle, sibbi, jililiq iyo jijimo.
Munaasibada looga yeedhi jiray bahda ciyaaraha waxa ka mid ahaa festifaallada (mahrajaanno), qaabilaadda wafdiyada, barmaamijyada Waaberi iyo munaasibadaha gaarka ah.
Bahdii jiibta iyo jaanta waxa ka mid ahaa: Xasan Ceerigaabo, Cabdulle Raage Taraawiil, Maxamed Ciise Cabdi [Sangub], Axmeddey Xasan Gaashaan, Maxamed Aadan (Danla’aan)*, Cali Rooble Subagle, Cabdi Calasow, Siciid Ceerigaabo, Siteey Maxamed Nuur [Manoogto], Faynuus Sheekh Daahir, Kaltuun Sheekh Ibraahin, Makeey Xaaji, Khadiijo Qalanjo, Kaaha Shide Aadan, Khadiija Ceerigaabo, Saynab Cige, Ciise Jidow Maxamed, Xasan Cilmi Qorey [Bulle], Sheekh Abuukar Axmed Sheekaale, Cabduqaadir Cismaan Calasow, Ibraahin Nuur Dharey, Cali Ganey, Maxamed Nuur Akhyaar, Cismaan Yuusuf Xasan [Bullo], Cabdi Dhuux Yuusuf, Mako Caddey, Shamso Bashiir iyo Safiyo Geelle.
9. Hobollada Waaberi waxay ahaayeen dad magac iyo meeqaam sare ku leh Soomaaliya, isla markaana fadhiyada iyo fagaarayaashaba ku maamuusan. Haddana may ahayn dad hodan ah ama xornimo fikir oo buuxda haysta, ee waxay la noolaayeen duruufo dhaqaale iyo kuwo faafreeb oo adag.
Guryaha yaryar ee Fiyooraha ayay fannaaniinta badankoodu deganaayeen, mushaharka xukuumaduna dhawr cisho ayuu kaga dhammaan jiray. Sidaas darteed, habab kaladuwan ayay noloshooda u maarayn jireen sida dhigista ruwaayadaha, tumista cawaysyada iyo ganacsiyo yaryar oo ay aqalladooda ku samaysteen. Dhinaca kalana, waxa jirtay cabudhin iyo faafteeb fikir oo xooggan. Waxa loo diiday inay samaystaan urur ama naadi dantooda ay kaga warramaan. Heesaha guulwadaynta ah mooyaane, waxsoosaar kasta oo kale shaandho adag ayaa la marin jiray, xataa kuwa jacaylka ah, ee dareenka berinimada ah ku curtay, iyada oo farriimo qarsoon laga fiirin jiray.

From the comments