Waxaan baraha bulshada ku arkay arrin dhaqan ahaan iyo taakulada mooraldhiska bulshada aad ugu wanaagsan oo loo samaynayo walaalkeen Cumar Cabdulqaadir Cartan, oo ah garsoore ka tirsan FIFA, sidoo kalana noqday garsoorihii ugu wanaagsana we qaaradda Afrika 2025 (“a FIFA refree and the Africa’s best referee in 2025”). Laakiin, waxaan rabaa in aan iftiimiyo arrinkan dareenka wanaagsan lagu saleeyay, sida loogu dabbaqi karo ama uu u saamayn karo Xeerka Anshaxa ee FIFA ee la Xiriira Hadiyadaha, Deeqda & Dhaqaale ururinta.
Aragti
Xeerka Anshaxa FIFA ee la Xiriira Hadiyadaha, Deeqda & Dhaqaala-ururinta

Marka hore, walaalkeen ma ahan qof caadi ah oo bulshada ka mida oo la taakulaynayo ama arday jaamacad u socda oo lacag loo ururinayo. Waan qiyaasayaa in uu shaqadiisa si fiican u yaqaan. Walaalkeen, waxaa qabanaya shuruuc, xeerarhoosaad iyo anshax ay tahay in uu ilaaliyo, dadkana ay ogaadaan oo ay tahay in ay u ilaaliyaan in uusan ku dhicin ciqaabta ka dhalan karta jabinta arrinkan; iyada oo aan lagu talagalin ama la ogayn.
Sidaas darteed, waxaa lagu waaniyaa oo lagu adkeeyaa shaqaalaha ama dadka ka tirsan hay’adaha waaweyn, sida tan uu garsoore Cumar Cartan ka tirsan yahay (FIFA) oo kale, qaasatan aarbiitarayaasha, in ay ka fogaadaan wax kasta oo sumcad hoosudhigid, aaminaadyaraan, dana-iska-soohorjeedi kara haddeer iyo hadhoow, iyo wax shaki haddeer iyo mutaqbalka ah abuuri kara.
Xeerka FIFA ma oggola hadiyad weyn, lacag-ururin (fund raising) iyo in ay qaataan lacag ama bixiyaan garsoorayaashu. Waxaa lagula talinyaa in ay ka fogaadaan arrimahan, xitaa haddii aysan shaqadooda la xiriirin. Tan waxa ay dhaawici kartaa shaqadooda mustaqbalka.
Lagama hadlayo sida aad adiga ugu kalsoontahay gudashada shaqadaada, oo aysan saamayn haddeer iyo mustaqbalka kugu yeelan doonin, dhinaca aaminaadda shaqada. Laakiin waxa laga hadlayaa waa sida xeerka u qoranyahay iyo sida dadka aad wax la wadaagaysid ama la wadaagi doontid u arkaan arrinkan. Fiiriya Xeerka Anshax iyo Habdhaqanka ee FIFA 2012 (FIFA Code of Ethics 2012 edition), faqraddiisa tibaaxaysa: “Offering and accepting gifts and other benefits (p.18).”
Sidoo kale, fiiriya “SIGA Policy on Gifts and Entertainment” Faqradda: “Rules on Gifts.” SIGA waa hay’ad caalami ah oo qaabilsan daacadnimanda iyo anshaxwanaagga isboortiga oo ay kubadda cagtana ku jirto.
HALKAN KA FIIRI.
Haddii ay xitaa mu’asasad loola jeeda tabarruca waa in ay maamulaan dad ka baxsan aarbiitarayaasha, loona jeedo waxa soo galay iyo ka baxay.
Way dhacadaa in shaqaalaha ama dadka ka tirsan hay’adahan in aysan mararka qaar aysan diidi karin wax la siiyay iyada oo la ilaalinayo dhaqanka ama caadada meelaha qaar, laakiin lacagtaas ama hadiyadaas kama badnaan karto $50 (Konton Dollar) xeerka SIGA, waana in aad ogaysiisaa SIGA $50 kaas ku soo galay oo hadiyadda laguu siiyay. Laakiin, FIFA wax lacag ah lama aqbali karto oo lama oggola; waana la isaga digayaa xitaa haddii aysan si toos ula xiriirin shaqada; lama oggola in uu raad shaki ah oo la xiriira lacagsiin si muuqata (public) ama si qarsoodi ah (private) laguugu arko ama uu ku soo galo.
Waxa aan ka hadlayo waa xeerar caalami ah oo ka jira hay’ad ama shirkad kastaa, laakiin aan lagu baraarugin, qaasatan markii ay dhacaa arimahan oo kale oo uu dareenka iyo caadifadda kaliya ay shaqaynayso.
Haddaba, waxaan ku talin lahaa in arintaas si fiican loo fiiriyo saamaynta ay ficilladeenna ku yeelan karaan walaalkeen mustaqbalka annaga oo wanaag ula jeedna. Waxa uu leeyahay mustaqbal wanaagsan oo sii iftiimaya, ee yaanan iin u yeelin innaga oo wanaajinayna. Shaqadiisa sida uu u qabsan lahaa aan ku kaalmayno oo kalya. Shaqiisa in lagu kaalmeeyo ayuu horumar ku gaari karaa.
WQ: Yuusuf Cabdi Maxamed
Aqoonyahan iyo Cilmibaare

From the comments