Doorasho dadban iyo doorasho qof iyo cod ah labaduba waa nidaam doorasho oo mid kasta la musuqmaasuqi karo, sidoo kalana si hufan loo qaban karo. Dawladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ma nidaamkii dadbanaa oo qura ayay ku beddelaysaa mid qof iyo cod ah mise mushkiladihii jiray ayay xal u raadinaysaa? Muwaaddin ma ogtahay in Taliskii Kacaankuba qaban jiray wax uu ku sheegi jiray “doorashooyin qof iyo cod ah”? Mase la socotaa in waddamada ay ka taliyaan hoggaamiyaasha ugu wakhtiga dheer ay qabtaan “doorasho qof iyo cod ah”, sida Yugaandha oo Museveni joogo in ka badan 40 sano?
Aragti
SOOMAALIYA MA WAXAY U BAAHAN TAHAY DOORASHO QOF IYO COD AH MISE MID HUFAN?

Arartaas waxaan uga gol leeyahay doorasho qof iyo cod ah waa in dadku codeeyaan uun, ee kama dhigna in aan la musuqmaasuqi karin. Maxaa looga guurayaa doorashadii dadbanayd oo 35 sano la soo dhaafay dalka ka dhacaysay, maxaase loogu guurayaa nidaamka doorasho ee qof iyo codka ah, mala gaaray ujeedkii laga lahaa doorashada qof iyo codka ah iyada oo la eegayo doorashadii golaha degaanka ee Muqdisho ka dhacdy iyo saansanta doorashooyinka isku sidkan ee la filayo in ay ka dhacaan Koonfurgalbeed, Galmudug iyo Hirshabelle? Weydiimahaas iyo kuwo kale ayaa ugu jawaabi doonaa maqaalkan.
Maxaa looga guurayaa doorashadii dadbaneyd?
Doorasho dadban waxay leedahay labo eel oo waaweyn kuwaas oo kala ah:
1. Musuqmaasuq
- Doorashada Xildhibaannada Heer Federaal iyo Heer Dawladgoboleed
Silsilad musuq oo ka soo bilaabata oday dhaqameed kuna dhamaata madaxda ugu sarraysa ee dalka ayaa ka jirtay doorashadii dadbanayd. Xildhibaannada dawladgoboleedka waxaa soo xusha hoggaamiyaha dawladgoboleedka, sidoo kale, kuwa federaalka waxaa ku loollama madaxda federaalka, mucaaradka iyo hoggaamiyaha dawladgoboleedka, halkii ay soo xulan lahayd beesha kursiga leh.
- Doorashada Hoggaamiyaha Dawladgoboleedka
Dawladda Federaalka ah waxa ay si qaawan u faragelisaa doorashooyinka maamullada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfurgalbeed, halka Buntilaan ay ku leedahay galaangal, haseyeeshee Jubaland aysan doorasha ka dhicin. Madaxweyne Xasan Sheekh hoggaamintiisii hore, Galmudig waxa Madaxweyne ka noqday Cabdikariim Xuseen Guuleed, Koonfurgalbeed waxaa ka noqday Shariif Xasan Sheekh Aadan, Hirshabellana Cabdulqaadir Cali Cosoble oo dhammaantood ahaa garabka Madaxweyne Xasan Sheekh. Waxaa yimid Madaxweyne Farmaajo Galmudug waxa uu geeyay Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, Koonfurgalbeedna Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagaren oo iyagana ahaa garabka Madaxweyne Farmaajo. Jubbalaan sida aan hore u carrabaabnay waxaa isku caanashuba Axmed-Madoobe, Buntilaan waxaa lagu kala adkaadaa laaluush iyo isriixid, balse maquunin waa ay ka badbaadeen. Dawladgoboleedkii ugu danbeeyay ee la dhisay waxa uu ahaa Waqooyibari, inkastoo ay ka dhacday doorasho si adag loogu tartamay, haddana waa ku soo baxay Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye oo isna ahaa garabka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
2. Cod-la’aanta shacabka
Arrinta labaad ee doorashada dadban looga guurayo waa in shacabka dib loogu soo celiyo xuquuqdooda dastuuriga ah, codkoodana ku ciilbaxaan, oo sida ku cad dastuurka dalka ayaa qaba in muwaadinka Soomaaliyeed uu xaq u leeyahay in la doorto, waxna uu doorto. Shacabka Soomaaliyeed waa bulsho aan go’aan ku lahayn cidda hoggaaminaysa, sida ay dad badani qabaan arrinkaan waxa uu keenay in shacabka ay la xisaabtami karin hoggaankooda, aysan jirinna sabab ay ula xisaabtamaan kol haddii aynaan dooran. Iyada oo laga duulayo in meesha laga saaro labadii qodob ee musuqa iyo cod-la’aanta shacabka, Dawladda Federaalka ah ayaa sheegtay in ay guud ahaan dalka ka qabanayso doorasho qof iyo cod ah.
- Filashada doorashada qof iyo codka ah?
Filashada ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada oo aan hore uga qeybgalin doorasho qof iyo cod ah, waa in ay meesha ka baxaan caqabadii ka heystay doorashadii dadbanayd, oo ay tartami karaan iyaga oo hammigooda u hoos fadhin cid gaar ah.
- Maxaa se muuqda iminka?
Marka aan tibaaxayno sida ay wax u socdaan waxaa ku dhisi doonaa doorashadii Golaha Degaanka ee ka dhacday Muqdisho dabayaaqadii sannadkii tagay ee 2025 iyo saansaanta doorashooyinka la filayo in ay ka dhacaan Koonfurgalbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug. Doorashadii Golaha Degaanka dadka waxa ay kala dooranayeen ururro oo ma aysan dooranayn shaqsiyaad. Ururro badan ayaa garbiyay dhallinyaradii u tartamaysay, ka dib markii ay ku beddeleen murrashaxiintii degaannada ay ku guulaysteen kuwa cusub oo shaqsiyaad gaar ah gadaal ka riixayaan. Sidoo kale, codka shacabka ayaa suuqyada lagu kala iibsaday.
Dawladgoboleedyadii ay Dawladda Dhexe faragelinta doorasho ku heysay ayaa weli taagan. Maamullada dalka ka jira, waxaa hindisahan diiday Buntilaan iyo Jubbalaan, halka ay oggolaadeen Koonfurgalbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo gobolka Banaadir. Su’aasha isweydiinta mudani waxay tahay: in doorashada ay oggolaadaan iyo in lagu biiro Urursiyaasadeedka JSP ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh waa kala labo, ee maxay axsaabta kale isaga sharrixi waayeen? Arrintan ayaa u muuqan karta in waddada kaliya ee lagu guulaysan karaa ay tahay joogista garabka Madaxweynaha iyo ku biirista Urursiyaasadeedka JSP.
Haddii xilligii Farmaajo la ogaa in uu guuleysanyo Laftagareen, doorashadii dambe ee Laftagareenna la ogaa in uu isaga ku soo baxayo, haddana la ogyahay in uu Aadan madoobe ku soo baxay, haddaba maxaa isbeddelay? Illeen kolkii hore qofka la socda Madaxweynaha ayaa guulaysan jiray, balse doorashada dadban ayaaa la dhaliili jiray, hadda ma waxaa la dhaliilayaa doorashada qof iyo codka ah?
Maxay tahay guusha laga gaaray doorashadii qof iyo codka?
Doorashadii qof iyo codka aheyd waxa ay ku fashilan tahay in la xakameeyo musuqmaasuqa iyo in bulshadu la xisaabtami karto madaxdooda, hasayeeshee waxa lagu guulaystay labo qodob oo kale kuwaas oo kala ah:
- In dadku codeeyaan
Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhawaad 40 sano aan codkooda dhiiban ayaa markii ugu horraysay dhiibtay codkooda, iyaga oo dareemay in ay qeyb ka yihiin dawladnimada.
- In la qaban karo doorasho qof iyo cod ah
Duruufaha amni ee uu dalka soo maray waxa ay sababeen la su’aal la galiyo qabashada doorasho qof iyo cod ah. 25kii Diseenbar 2025 ayaa weydiimahaas loo helay jawaab waafi ah, ka dib markii caasimadda dalka ee Muqdisho lagu qabtay doorasho qof iyo cod ah, iyada oo aan la diiwaangelin waxbarasho ah, marka laga reebo askari wiil ku dhirbaaxay degmada Deyniile kaas oo markii danbe xabsiga loo taxaabay.

From the comments
Hassan dev
Jun 20
another one
Hassan dev
Jun 20
nice
Hassan dev
Jun 20
one more
Hassan dev
Jun 20
again
Hassan dev
Jun 20
test 22