Goobjoog

Aragti

Sidee loo Maareeyaa Marka ay iska Hor Yimaaddaan Jinsiga Jidheed iyo Jinsiga Afeed?

Sidee loo Maareeyaa Marka ay iska Hor Yimaaddaan Jinsiga Jidheed iyo Jinsiga Afeed?

Waxa jirta dood ka dhalatay qoraal aan bartayda Faysbuug ku baahiyay. Dooddaasi waxay daarrayd sida loo maareeyo marka ay iska hor yimaaddaan jinsiga laftida sheyga iyo jinsiga magacu. Waa arrin yare kakan oo meelo badan madaxa la gelaysa, sidaas darteed, waxay ila noqotay in aan maqaalkan ku faahfaahiyo wixii Alle iga garan siiyo. In kasta oo doodaha qaar u muuqdaan in ay iska hor imanayaan, qaarkoodna aanay af ahaanba caddayn, qoraalka waxan gundhig uga dhigi doonaa sida ereyada loo adeegsado iyo xeerarka afeed ee la raaco marna aan la raacin.

    Mawduucani waa mid aan aad looga hadlin af ahaan, waana fahanno isgalay oo mararka qaarkood ay adag tahay sida lagu kala saarayaa. Iyada oo ay sidaas tahay ayaa haddana waxa jira mawduucyo aan aqoon ahaan weli meel la saarin sida “sababta ay afafka qaar jinsi u leeyihiin”. Innaga oo intaasba maanka ku haynna waxaynu maqaalkan isku dul taagney mararka jinsiga jidheed iyo kan afeed israacaan iyo mararka ay iska hor yimaaddaan, ama midkoodba iska hor yimaaddo iyo sida uu xalku iila muuqday markii aan u eegay xeerarka afeed ee la adeegsan karo iyo adeegsiga bulshada.

    Jinsi Jidheed iyo Jinsi Afeed

      Marka afka laga hadlayo, waxa laga hadlayaa labo fahan oo isdul saaran. Mid waa sheyga midna waa afku sumadda uu u yaqaanno. Marka aynu ka hadlayno bahasha samada haadda, waxaynu adeegsannaa diyaarad. Eeg, labo wax baynu imminka sheegnay. Waa bahasha samada haadda iyo magaca diyaarad. Si kale. Marka ilme inoo dhasho waxaynu u bixinnaa magac. Waxaynu ilmaha magaca ugu bixinnaa in lagu garto. Eeg markanna labo wax baynu ka hadalnay. Waa ilmaha iyo waxa lagu garanayo. Sidaas baa marka aynu afka ka hadlayno labadaas fahan oo iska turjumayaa isu saaran yihiin. Waa shey oo aynu lafdiga waxa laga hadlayo ka wadno iyo sumad oo aynu magaca lagu aqoonsanayo ka wadno. Waa uun shey iyo taarikadiis.

      Haddaba, labadan fahan ee aynu ka soo hadalnay mid walbi jinsi buu leeyahay. Waxana aynu u kala qaadan karnaa jinsi jidheed iyo jinsi afeed. Jinsiga jidheed waa jinsiga sheyga lafdigiisa ka muuqda. Marka aynu aragno “lax” iyo “wan” isbarbar taagan, waynu kala garannaa tan “lax” ah iyo kan “wan” ah. Waxaynu ku kala garannaa qayb ka mid ah xubnaha jidhkooda. Kaasi waa jinsi jidheed, waxana yeesha noolaha. Waxa isna jira jinsi afeed. Marka aynu jinsi maqalno, waa ay iska caddahay in aynu wax nool ka hadlayno, waxase layaab ah in marka afka la joogo ereyadu jinsi yeeshaan. Layaabku waxa weeye in ereyga “waddo” uu dheddig yahay, ereyga “dhagax” uu isna lab yahay. Lama garan karo sida labadaas erey ama xataa labada wax ee ay ku magcaaban yihiin ay jinsi u yeelan karaan! Afku muxuu jinsi u leeyahay waa mawduuc aan war badan laga hayn, waxase la filayaa in dadku iyagu afka lahaayeen, sidaas darteedna ay jinsiga ugu sameeyeen sida ay iyaba lab iyo dheddig u yihiin.

      Jinsiga jidheed iyo jinsiga afeed waxaynu si fiican ugu kala garan karnaa noolaha “sac” loo yaqaanno. Noolahan marka aynu jidhkiisa eegno waa dheddig, balse dhinaca kale, noolahan magaciisu waa lab. Waa innaga niraahna “Saca caanihiisa”. Ma niraahno “Saca caanaheeda”, sidaas darteed, “sacu” jidh ahaan waa neef dheddig ah, magac ahaanna wuxuu leeyahay magac lab ah. Waxan filayaa in noolaha aynu “sac” u naqaanno uu ina kaga filan yahay in aan kala fahanno jinsi jidheed iyo jinsi afeed.

      Maaddaama ay labada jinsi wada shaqeeyaan oo isku dul dhisan yihiin, waxa dhaca:
      B. Mar labada jinsi iswaafaqaan.
      T. Mar labada jinsi aanu mid caddayn.
      J. Mar labada jinsi iska hor yimaaddaan.
      X. Mar jinsiga afeed iska hor yimaaddo.

      B. Marka labada jinsi iswaafaqaan: Mar jinsiga jidheed iyo jinsiga afeed ayaa iswaafaqa, waana marka jinsi jidh ahaan lab ama dheddig ah loo bixiyo magac lab ah ama dheddig ah, sida ay u kala horreeyaan. Noolaha aynu “hal” u naqaanno jidh ahaan waa dheddig, magac ahaanna waa dheddig. Waa innaga niraahna “Hasha caanaheeda”. Sida oo kale, noolaha aynu “nin” u naqaanno jidh ahaan waa lab, magac ahaanna waa lab. Labadan marba waa ay iswaafeqeen jinsiga jidheed iyo jinsiga afeed.

      T. Marka aanu jinsiga afeed caddayn: Waxa dhacda in mararka qaar aanu caddayn mid jinsiyada ka mid ahi. Sida aynu soo sheegnay jinsiga jidheed waxa uun yeelan kara waxyaabaha noolaha ah, balse dhinaca kale afku wuxuu jinsi u sameeyaa wax aan noolaba ahayn. Sidaas darteed, waxa dhacda mar uu kaba gaabsado afku jinsiga sheyga.

      Afku sidee jinsiga u sheegaa? Afku saddex qaab buu jinsiga sheyga u sheegaa, waana; mar uu dheddig ku sheego, mar uu lab ku sheego iyo mar aanu midna ku sheegin. Afku mar dheddig buu sheyga ku sheegaa marna lab, wuxuna tan ku kala caddeeyaa dhawaaqa magaca. Si kasta oo aanu sheygu jinsi jidheed u lahayn, afku wuxuu u sameeyaa dhawaaq lab ama mid dheddig. Meesha la galo ee “guri” afku wuxuu u yaqaannaa wax lab, xubinta jidhka ee “kelli” iyana wuxuu u yaqaannaa wax dheddig. Mar kale afku wuxuu jinsiga ku caddeeyaa xarfaha ereyga u danbeeya. Ereyada kelida ah ee shaqalka “O” ku dhammaada afku wuxuu u yaqaannaa kuwo dheddig. Waa magacyada ay ka midka yihiin (Dhalo, waddo, Canbaro, Geelo IWM). Dhinaca kale, ereyada ku dhammaada shaqalka “E” iyana afku wuxuu u yaqaannaa kuwo lab. Waa kuwa ay ka midka yihiin (cambe, qare, Barre, Geelle IWM). Labadan waxa soo raaca magacyada “ey” ku dhammaada sida “Caddey, Badey IWM) oo dheddig ah iyo kuwa ku dhammaada “ow” sida (Calasow, Fiidow IWM).

      Haddaba, wixii magacyada sare ka soo hadha afku wuxuu u aqoonsan yahay in ay lab iyo dheddigba noqon karaan oo hadba sidii la doono loogu dhawaaqi karo. Waxa iyana jirta in marka magacyada gaarka ah la joogo aanu dhawaaqu kala saari karin magacyadan. Tusaale ahaan, magaca “Shugri” marka uu nin yahay iyo marka uu naag yahay ma kala cadda codkiisu in uu lab yahay iyo in uu dheddig yahay.

      -Shugri baa yimi.
      -Shugri baa timi.

      Magaca “Shugri” ragga iyo dumarkaba waa loo bixiyaa. Marka aynu magacan afka ku eegno rag iyo dumarba wuu u yaqaannaa oo ma kala saari karo kan loo jeedo. Haddaba, si labada loo kala saaro waxa loo noqdaa lafdiga sheyga ama jinsiga jidheed. Halkaas ayaa lagu soo go’aamiyaa magacani fal lab ah iyo fal dheddig ah kan uu qaadanayo.

      J. Marka labada jinsi iska hor yimaaddaan: Mararka qaar waxa dhacda in labada jinsi iska hor yimaaddaan. Shey jinsigiisa jidheed dheddig yahay, ayaa afku jinsi labeed u yeelaa. Sida aynu soo sheegnay noolaha “sac” jidh ahaan waa dheddig, balse afku jinsi labeed buu u yeelay. Marka sidan oo kale labada jinsi iska hor yimaaddaan, lafdiguna aanu dad ahayn waxa la qaataa jinsiga afeed. Waxa kale oo dhacda in qof lab ah loo bixiyo magac dheddig. Tusaale ahaan, magacyada “Siilaanyo iyo Caddo” waxa lahaa labo madaxweyne oo mid Soomaalilaan soo hoggaamiyay midna Budlaan, sida ay u kala horreeyaan. Waa “niman” oo jidh ahaan waa lab, balse waxa la siiyay magacyo dheddig oo shaqalka “O” ku dhammaada. Ma waxa la oranayaa:

      Siilaanyo wuxuu ahaa mise waxay ahayd?
      Caddo wuxuu ahaa mise waxay ahayd?

      Markan waxa la qaadanayaa lafdiga sheyga ama jinsiga jidheed, waxana la kala siinayaa falal lab ah. Waxa la oranayaa:
      -Siilaanyo wuxuu ahaa…
      -Caddo wuxuu ahaa…

      Caddo iyo Siilaanyo keliya maahee magacyada noocan ahi waa kuwo baahsan. Waxa ka mid ah (Subxaanyo, Dureemo, Dhalo…).

      Isla qodobkan markii aynu noolaha “sac” ka hadlayney, waxaynu sheegnay in jinsiga jidheed la tuurayo oo kan afeed la qaadanayo, balse marka aynu ka hadlayney “Siilaanyo iyo Caddo” waxaynu sheegnay in jinsiga jidheed la qaadanayo; sidaas darteed, miyaanay iska hor imanayn labadu baa la isweyddiin karaa. Waa run oo marba mid baynu qaadannay. Innagu ma qaadan ee dadka oo dhan baa sidaas sameeya, sababtuna waxay noqon kartaa in marka “dadka” laga hadlayo aanay afka marti ka ahayn oo ay yihiin kuwii afkaba lahaa. Sidaas darteed, waxyaabaha kale in labkooda la caddeeyo ama aan la caddayn dadka uma laha muhiimad weyn oo u dhiganta marka arrinku iyaga joogo.

      X. Marka jinsiga afeed iska hor yimaaddo: Waxa jirta mar afraad oo jinsiga afeed dhexdiisu iska hor yimaaddo. Sida caadiga ah sheygu magacyo kala duwan buu xaalado kala duwan ku yeelan karaa. Tusaale ahaan, mar anigaygan qoraalka qorayaa waxan ahay “nin”, mar kalana “Maxamed”. Mid waa magac guud, midna gaar baan u leeyahay. Waxa dhacda mar labadani iska hor yimaaddaan. Sidan si la mid ah waxa dhacda in meel loo yaqaanno “magaalo ama degmo” oo dheddig ah, haddana magac af ahaan lab ah la siiyo.

      Magaalooyinka (Boorame, Jamaame, Buuhoodle, Buulaburde…) lafdi ahaan mid walba waa “magaalo” oo waa dheddig, waxayse leeyihiin magacyo lab ah oo shaqalka “E” u danbeeyo. Halkan waxa iska hor yimi labadii qodob ee afku jinsigiisa xarfo ahaan ugu caddayn jirey. Sida aynu hore u soo sheegnay waa yeedhaha “O iyo E” oo dheddig iyo lab u kala taagnaa, sida ay u kala horreeyaan. Meeshu waa magaalo ama waa degmo oo shaqalka “O” buu magac walba ku dhammaadaa, haddana dhinaca kale, waxa la siiyay magacyo lab ah oo shaqalka “E” u danbeeyo. Markan maxaa la falayaa? Ma waxaynu oranaynaa:

      Jamaame ayaa badisay mise badiyay?
      Buulaburde ayaa qaadday mise qaaday?

      Sida muuqata markan waxaynu qaadanaynaa magaca lafdiga xiga ee guud ee “magaalo ama degmo”. Sideedaba, meeshani awel waxay ahayd dheddig oo waxay haysataa magac dheddig, magaca cusub ee soo kordhayna waxba ka beddeli maayo jinsigeedii maaddaama aanay awelba jinsi jidheed lahayn. Sidaas darteed, waxaynu oranaynaa:

      -Jamaame ayaa badisay.
      -Buulaburde ayaa qaadday.

      Gabagabadii, marka ay iswaafaqaan jinsiga jidheed iyo midka afeed wax mushkilad ahi ma jirto, marka aan mid caddaynna waxa la qaadanayaa kan muuqda, halka marka ay si toos ah labadu isaga hor yimaaddaan ama mid gudihiis iska hor yimaaddana ay xalalku kala duwan yihiin una muuqan karaan iska-hor-imaad. Marka dadku meesha ku jiro isaga ayaa cad oo la qaadanayaa, balse marka shey kale la caddaynayo wuu isbeddeli karaa. Markan danbe waxan tixgeliyay fegradda guud ee afka oo dadku bilow ilaa dhamaad isagu samaystay. Haddii aad u fiirsatid “carruurta dhurwaagu ama iduhu magacyo gaar ah inoo ma kala laha” sababtuna waa in aanu iyaga afku aad u khusayn in la eg inta uu dadka khuseeyo.

      Tixraacyo

      1. Mansuur, Barashada Naxwaha Af Soomaaliga.
      2. Keenaddiid, Qaamuuska Af Soomaaliga.
      3. Dirir, Habqoraalka Farsoomaaliga.

      WQ: Maxamed Axmed Dirir
      Cilmibaare afeed iyo xubin ka tirsan Guddiga Af Soomaaliga

        Ka Hel Goobjoog Wixii Cusub

        From the comments