Goobjoog

Aragti

Maxay kala yihiin “Afyaaan” iyo “Abwaan”?

Maxay kala yihiin “Afyaaan” iyo “Abwaan”?

Mar walba oo laga hadlo aqoonta af Soomaaliga, waxa maanka dadka ku soo degdega ereyga “abwaan”. Haddaba, maxaa iska galay “abwaan” iyo “aqoonta afka”? Si aynu labadan u kala saarno, saddex arrimood baynu halka kaga hadlaynaa. Midi waa “dadka afka ku hadla”, midina waa “abwaan”, midda kalana waa “afyaqaan”.

  1. Dadka Afka ku Hadla

Dadka Soomaaliyeed oo dhammi waxay ku hadlaan af Soomaali. Waxaynu niraahnaa waa afkeennii hooyo. Haddaba, dadkani sidee afka ku kasbadeen? Dadkan afka waa la qaybsiiyaa, waxayna qaybsiintani bilaabataa marka ilmuhu dhasho. Si qofku dadka ku hareeraysan ula xidhiidho, waxa khasab ah in uu kula xidhiidhi karo afka ay ku wada hadlayaan. Iyada oo taas maskaxda lagu hayo ayaa hooyadu ilmaha ku bilowdaa qaybsiinta ereyada aasaasiga ah. Mar walba oo uu qofku sii korana wuxu qaybaa ereyada, sida ay u dhacayaan, sida aan loo oran iyo sida la isu gu xidhiidhiyo. Qaybsiinta afka waxa ka qayb qaata hooyada, xaafadda iyo dadka ina ku hareeraysan. Sidaas baa qof walba ku kasbadaa kuhadalka afka. Tani barasho maaha, waayo, marka qofku afka ku hadlayo xeerar uma kala laha. Qofkani ma kala garan karo sababta ay isku falka u qaateen: “Gabadhdhii waa tagtay” iyo “adigu waad tagtay”. Sidoo kale, ma kala garan karo sababta ay falalkoodu u kala duwan yihiin “Gabadhdhii waa tagtay” iyo “Wiilkii waa tegey”. Waxa uun la qaybsiiyey in sidaa loo hadlo. Bes. Waa kuwaas dadka afka ku hadlaa.

  1. Abwaanka

Abwaanku waa qof la mid ah dadka sare, wuxuse kaga duwan yahay in uu maanso tirin karo. Tirinta maansadu waa in qofku qaybo sida maansada Soomaalidu u dhisan tahay. Halka dadka aynu kor kaga soo hadalnay ay hadalka qaybayeen, maansayahanku wuxu qaybaa sida meerisyada maansadu u dhacaan. Marka uu muddo dhegeysto maansooyin kala duwan, waxa qofkan u fududaanaysa in uu dib u yiraahdo habdhacii maansada. Tanina waa qaybis. Maansada qof walba waa uu tirin karaa, waxayna ku xidhan tahay in uu muddo dhegeysto maansooyin dad kale tiriyeen. Qofkani in uu ereyada isku aaddin karo ma ahee aqoon ahaan waxba ma dhaamo dadka caadiga ah ee afka qayba. Abwaanka noocan ahi ma garan karo sababta ay maansadu noocyo kala duwan u leedahay, mana fahmi karo cilladda haysata haddii meeris maanso oo jaban la tuso. Kaasina waa abwaanka.

  1. Afyaqaan.

Afyaqaanku waa qof afka aqoon ahaan u bartay. Waa qof kala garan kara waxa sidaa loo yiraahdo oo aan sidan loo oran. Wuxuu bartaa codadka, qaabdhismeedka ereyada, miisaanka maansada, weedhaynta iyo xeerarka naxweed ee afka. Sida uu buuni Cabdalla Cumar Mansuur hore u sheegay, afka haddii gaadhi laga dhigo labada qof ee aynu kor kaga soo hadalnay waxay noqonayaan dareewallo afka iyo maansada u kaxayn kara sida dareewalku gaadhiga u kexeeyo, halka afyaqaanku ka noqonayo makaanigga garanaya biraha gaadhiga ku jira, bir walbi meesha ay ku jirto iyo waxa ay qabato. Kaxaynta gaadhigu uma baahna in uu qofku yaqaanno biraha gaadhiga ku jira iyo shaqooyinka ay qabtaan, wuxu keliya u baahan yahay in uu yaqaanno sida gaadhiga loo kaxeeyo. Balse dhinaca kale, makaaniggu wuxu garan karaa birta xun, meesha ay ku jirto, sababta ay u xumaatay iyo wax walba oo ku xeeran. Sidaa darteed, afyaqaanku wuxu bartaa xeerarka afku ku shaqeeyo, wuxuna si fudud u soo saari karaa hadba xeerka jaban sida makaanigga gawaadhida. Kaasina waa afyaqaanka.

Inta badan saddexdan arrimood waa la isku khaldaa, weliba abwaanka iyo aqoonta afka waa la mataaneeyaa heer ay gaadhdhey in loo qaato in aqoonta afku tahay wax cid gaar ahi leedahay. In la isku khaldo qaybahan waxa keenaya afkeenna oo aan aqoontiisa la baran taas oo keenta in afyaqaanka la la simo qof afka aan waxba uga bilownayn ama isla qofkan danbe aqoon aanu hayn marti looga noqdo oo isaga qudhdhiisu ku jaahwareero “waxa aqoonta afka la yiraahdo”. Haddaba, cidda ay tahay in afka wax laga weyddiiyaa waa cida aqoon ahaan u baratay waana afyaqaanka. Afyaqaanku wuxu baran karaa xeerarka afka lagu hadlo, waxa kale oo uu baran karaa xeerarka maansada. Kaasina waa afyaqaanka.

WQ: Maxamed Axmed Dirir
Cilmibaare iyo Xubin ka tirsan Guddiga Af Soomaaliga

Ka Hel Goobjoog Wixii Cusub

From the comments