Sida uu maanta u kala daadanayo seeska akhlaaqeed ee bulshada, waxaa tusaaleyaal cadcad maalin walba lagu arkaa baraha internet-ka. Ceebihii hore looga xishoon jiray ayaa soo caadiyoobay, iyadoo TikTok iyo Telegram ay noqdeen muraayadda tooska ah ee laga dhex arko hoobadka anshaxeed ee bulshada ku socda. Hoos-u-dhacaas inuu sii socdo, waxaa ka sii qayb qaadanaya xiddig-ka-dhigashada dadka akhlaaq ahaan liita, waraysiyadooda, iyo xilkasnimadarrada ka jirta baahinta waraysiyadaas oo aan lagu samayn faafreeb dhaqan iyo mid diini ah. Arrimahaasi oo dhan waxay halis dhab ah ku yihiin mustaqbalka barbaarta Soomaaliyeed.
Qormadan kooban waxay is-dultaagaysaa waraysi lala yeeshay fannaanka Sharma’arke Cabdinaasir Maxamed (Sharma Boy), kaas oo ay ka dhex muuqdeen farriimo saameyn taban ku yeelanaya habfikirka dhalinyarada. Si loo dhuuxo baaxadda halistan, waxaan u kala saaraynaa laba dhinac oo kala ah: habdhaqanka Sharma Boy ee horfadhiya kamaradda iyo doorka wariye Cabdijaliil Show oo mas’uul ka ahaa baahinta waraysigaas.
Dhanka Sharma Boy, wuxuu tusaale u yahay dhalinyaro badan oo xiisaysa fanka iyo dhaqanka Hip-Hop-ka reer-galbeedka, iyadoo aysan jirin shaandho dhaqan ama mid diini ah. Dhanka kale, wariye Cabdijaliil Show, inkastoo uu dadaal badan bixinayo, iskuna dayayo inuu qaaraan ku darsado wacyiga bulshada,, haddana nuxurka barnaamijkiisa iyo dadaalkiisu isu ma dhigmaan.
Waraysigan wuxuu soo bandhigay xirfad-yari dhanka saxafadda ah oo haysata wariye Cabdijaliil. Wariyuhu ma lahayn xikmaddii iyo xirfaddii uu ku maamuli lahaa waraysiga; halkii uu ka ahaan lahaa saxafi haga sheekada, joojiya hadallada aan habboonayn, ama dabagal ku sameeya sheegashooyinka aan salka lahayn, wuxuu noqday dhageyste kaliya, taas oo la-wareystaha u oggolaatay inuu wixii uu doono iska sheego. Arrinta ayaa sii xumaatay markii uu soo saarayay waraysigii, maadaama uusan samayn faafreebkii iyo xakamayntii ku dhisnayd xilkasnimada iyo anshaxa saxafadeed.
Farriimaha Daahsoon
Haddaba, aan horay ka galo farriimaha dahsoon ama dadban ee waraysiga ku jiray. Waraysiga iyo nuxurkiisa ka dhex muuqda fanaanka, waxaa lagu soo koobi karaa sagaalka qodob oo kala ah:
- Hablebbiska Fannaanka
Qodobkani waa farriinta ugu culus, uguna weyn ee dadban ama dahsoon ee ku jirta waraysiga. Muuqaalka iyo labiska Sharma Boy oo isugu jirta marada madow ee sida masarka loo xirto (Durag Black Man), muraayadaha madow, jaakadda iyo funaanadda madow, iyo tusbaxa loo xirtay qaab katiinad ah, waxay si toos ah u muujinayaan hablebbis-dhaqameedka kooxaha Gangsta Rap (GR), kuwaas oo ka kacaamay dalka Maraykanka dhammaadkii 1980aadkii.
Kooxahan sidan u labistay ayaa ka dhashay xaafadaha faqriga iyo dambiyadu ku badan yihiin ee magaalooyinka waaweyn ee Maraykanka, sida Compton iyo New York. Kooxahan ayaa ku dhisan habfikir diiradda saaraya rabshadaha, qamarjinimada, daroogada, is-muujinta gaarka ah, iyo xushmad-darro ka dhan ah dhaqanka bulshada. Marada Madow (Durag Black) oo markii hore loo xiran jiray daryeelka timaha iyo xarragada, wuxuu markii dambe u beddelmay calaamad lagu garto kooxaha gaangiska.
Hablebbiskaan iyo dhaqanka Gangsita Raabka waxaa markii ugu horraysay adduunka u soo bandhigay kooxdii caanka ahayd ee Niggaz Wit Attitudes(NWA), oo lagu dhisay magaalada Compton bishii Sebtembar ee sannadkii 1986-kii. Albamkoodii ugu horreeyay ee saamaynta weyn yeeshay ee Straight Outta Compton (SOC) wuxuu soo baxay bishii August 1988-kii. Kooxdan, oo ay kamid ahaayeen fanaaniin caan ah, sida Ice Cube, Dr. Dre, Eazy-E, MC Ren, iyo DJ Yella. Fannaaniintan waxay ahaayeen hormuudkii buddhigga u ahaa fanka raabka ah ee dhaqankiisu yahay: in lagu heeso oo baagaroon laga dhigto guryo duugga ah oo dudunsan, goobo qashin ah iyo geerashyo hore, isla markaansa la xirto dhar ka duwan kuwa caadiga ee bulshada xirato, laguna heeso ereyo ka arradan xikmad iyo xayo oo lagu bahdilayo dumarka ama la isku caayo.
Haddaba, Sharma Boy marka isaga oo labbiskan sita uu kamaradda soo hor fadhiisto, lana waraysto, waxay dhalinyarada Soomaaliyeed u noqonaysaa farriin ah in qaab-labisku yahay heerka ugu sarreeya ee “casriyoobidda”, taas oo waxyeelaynaysa qiyamka, xishoodka iyo labiska sharafta leh ee uu dhaqankeenna iyo diinteennu jideeyeen.
- Heesaha la xushay
Heesaha uu waraysiga ku dhex qaaday iyo ereyada uu u adeegsaday waxay u badnaayeen kuwo toos u abbaaraya akhlaaqda iyo qiyamka bulshada. Wuxuu caadiyeeyay arrimo aan ku habboonayn in si furan looga hadlo. Heesaha uu ku dhexqaaday waraysiga waxaa kamida ereyadeeda: “Ma cafiyo mar haduu …..”. Waa mid kamida heesihiisa kuwa ugu liita, uguna anshaxa xun, si toos ah oo aan leex-leexad lahayna ayuu ugu faanayaa zino. Tani waxay meel ka dhac ku tahay dareenka guud ee bulsho Islaam ah, waxayna meesha ka saaraysaa xadka u dhexeeya waxa la dhegeysto amaba lagu luuqeeyo iyo waxa ceebta ah.
- Kibirka iyo Isweynaynta
Inta uu waraysigu socday, waxaa si weyn uga muuqday kibir iyo is-saraysiin, gaar ahaan markii uu ka sheekeynayay noloshiisii hore iyo waayihiisa. Halkii uu muujin lahaa duruufta adag ee uu ka yimid iyo mahadnaq, wuxuu doortay inuu wariyaha hor fadhiya ugu jawaabo qaab qallafsan oo aan xushmad lahayn. Halkan waxaa ka muuqda is-waal-dhalanteedka oo inta badan dhaqan u ah fanaaniinta Hip-Hop-ka ee caalamka (rappers), taas oo ah in kibirku ka sarreeyo caqliga iyo xushmadda.
- Hoosudhigidda Cilaaqadka Hooyada
Qaabka uu Sharma Boy u sawiray xiriirka isaga iyo hooyadiis wuxuu ahaa mid meel ka dhac ah. Inuu ku soo koobo in hooyadiis ay kaliya soo wacdo marka ay lacag ka doonayso, waxay dhaawac ku tahay qiimaha iyo xushmadda hooyadu ku leedahay bulshada iyo diinta Islaamka. Tani waxay dhalinyarada baraysaa in hooyada loo sawiro inay tahay walax maadi ah oo ku kooban dano iyo lacag isdhaafsi.
- Sinada iyo Dumarka oo la Caadiyeeyay
Wareysiga wuxuu si toos ah iyo si dadbanba u fududeeyay xiriirka dheddigga iyo labka ee ka baxsan sharciga. Isagoo ku faanay inuu dumarka si xor ah u dhex boodo, wuxuu meesha ka saaray xishoodkii iyo dhowrsanaantii, iyadoo taasi dhalinyarada siineysa farriin sheegeysa in habdhaqanka noocaas ah uu yahay mid lagu faani karo.
- Chris Brown oo ah Tusaalaha ugu Sarreeya agtiisa
Sharma Boy wuxuu ku sheegay Chris Brown inuu yahay fanaanka uu ku daydo ee uu hiigsado. Chris Brown waa fannaan Maraykan ah oo caan ku ah muusiggada R&B/Pop, haddana noloshiisa gaarka ah ay ka buuxaan dambiyo, rabshado, iyo dacwado maxkamadeed oo ka dhan ah sharciga. Wuxuu xabsiga u galay dhowr jeer weeraro ka dhan ah dumarka, sida dhacdadii caanka ahayd ee February, 2009 ee weerarkii fanaanada Rihanna ahayd, dambiyo rabshado ah, iyo isticmaalka daroogooyin.
Haddaba, in fannaan Soomaaliyeed uu maanta Chris Brown u doorto tusaalaha ugu sarreeya ee uu hiigsanayo waxay muujineysaa in halbeegiisa guusha ama qiimaha uu yahay mid gebi ahaanba ku dhisan dhalanteed iyo qaab-dhismeedka dhaqan-xumada reer galbeedka.
- Islasaxsanaan Dhab ah iyo Shallaay-la’aan
Waxay halis weyn tahay marka uu qofku aamino inuu 100% saxan yahay, uusan waligiis wax qalad ah sameyn ama uusan ka shalaayin. Arrintan waxay dhalinyarada taageersan u tahay dhiirrigelin halis ah, iyagoo bartay inaysan is-xisaabin ama aysan u laaban dhanka saxda ah (Tawbad) marka ay qalad sameeyaan. Waxayna taasi cagsi ku tahay samayska bani’aadantannimo iyo seeska ay diinta ku taagan tahay oo ah in ilaahay loo laabto.
- Sheegashada Shirkadaha Daroogada
Arrimaha ugu yaabka badan ee ka muuqday wareysiga waxay ahayd sheegashadiisa inuu leeyahay shirkad la dhaho OCB oo magaceeda laga soo gaabiyay Odet-Cascadec-Bolloré. Shirkaddani waxaa laga leeyahay dalka Faransiiska, iyada oo la asaasay April, 1918, waxayna soo saartaa waraaqaha xashiishka lagu duubto. Sheegashadan beenta ah waxay qayb ka tahay faanka dhalanteedka ah ee raabariska lagu yaqaano, taas oo keenaysa in fanaaniintu isu muujiyaan inay yihiin dad halis ah oo awood badan. Arrintan ayaa ah marin-habaabin toos ah oo barbaarta Soomaaliyeed u tusaysa in ku lug lahaanshaha daroogada iyo ganacsigeedu ay yihiin calaamad muujisa ilbaxnimo ama awood.
Arrinta ugu yaabka badan waa jawaabta uu ka bixiyay markii la weydiiyay hadafkiisa, isagoo ku sheegay inuu ka walwalo aakhiro iyo waxa uu ka tagayo oo ah caruurtiisa. Taasi, waxay muujinaysaa is-diiddo dhab ah. Dhinac wuxuu ku jiraa fawaaxish, kibir, iyo baahinta munkar; dhanka kale wuxuu ka sheekaynayaa walwalka aakhiro. Inkastoo albaabka towbadu furan yahay, haddana ficilladiisa iyo hadalladiisu ismalahan, waxayna u muuqataa uun hadal carrabka ka soo yeeray oo aan lahayn ficil ka tarjumaya.
Waraysigan lala yeeshay Sharma Boy wuxuu muujinayaa halista ay leedahay marka fanka iyo warbaahinta ay xakame goostaan oo aan loo yeelin faafreeb dhaqan iyo mid diini ah. Sharma boy ayaa u muuqda halis aad u weyn oo aan sidii loo baahnaa loogu baraarugsanayn, weliba si gaar ah dhalinyarada, haweenka iyo caruurta soo koraysa. Waxaa muuqata in loo baahan yahay baraarug aad u ballaaran oo ku saabsan halistan ninkan dhalinyarada ah, isla markaasna barbaarta looga digo.
Sheekh Yoonis Cismaan Axmed
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka
From the comments