Goobjoog

Aragti

Colaaddii Soomaaliya uga Timid Qoriddii Farta Soomaaliga

Colaaddii Soomaaliya uga Timid Qoriddii Farta Soomaaliga

Gumaystayaashii reer Yurub, kolka laga soo tago inay Afrika uga tageen colaado ku salaysan is-haysashada xuduudaha dhuleed, waxa kale oo ay uga tageen afafkoodii iyo dhaqamadoodii oo Afrika dacal ilaa dacal ku faafay. Dal kasta oo Afrikaan ah wuxuu qaatay afka gumaystihiisa. Soomaaliya waxaa kala qaybsaday Faransiis, Talyaani, Ingiriis iyo Itoobiyaan. Mid walba wuxuu doonayay, haddii uu meesha ka baxo, in afkiisu noqdo kan ugu muhiimsan qaybtii uu ku talin jiray. Talyaanigu, tusaale ahaan, wuxuu doonayay in af Talyaanigu noqdo afka hay’adaha dawladda iyo kan shacabkaba: afka wax lagu barto, wax lagu qoro, lagu xiriiro, laguna garto Soomaalidii Talyaanigu gumaystay. Ingiriiskuna sidaas oo kale ayuu doonayay. Af Soomaaliga waxaa lala damacsanaa inuu ku ekaado suuqa iyo guryaha oo keliya, sida ay noqdeen afaf badan oo kale oo Afrikaan ah.

Soomaaliya waxay noqotay dalka keliya ee Afrikadii la gumaystay ee iska diidday doonitaankii gumaystayaashii. Markii ay xorowdayba, waxay guda gashay sidii ay u heli lahayd far qoran oo Soomaali ah. Dawladihii rayidka iyo dawladdii ciidamaduba mudnaanta koowaad ayay siiyeen qoridda farta af Soomaaliga.

Markii ciidanku dalka qabsaday, wuxuu soo saaray bayaan uu ugu magac daray Xaashida Koowaad. Xaashidan waxaa lagu qeexay arrimaha mudnaanta u leh dawladda cusub iyo hiraalkeeda ku aaddan siyaasadaha gudaha iyo dibaddaba. Qodobka afraad wuxuu ahaa in la helo far u gaar ah afkeenna. Soomaalidu marnaba ma sawiran waxa ka dhalan kara markii ay u dhaqaaqeen hindisidda far u gaar ah afkooda. Warbixintii Guddiga Farta Soomaaliga marna laguma soo qaadin wax colaad ah oo laga filan karo qaadashada far u gaar ah af Soomaaliga.

Wasiirkii Waxbarashada Soomaaliya ee xilka ugu muddada dheeraa, Aadan Maxamed Cali, ayaa qoray sidan:

“Aniga oo haya Wasaaradda Waxbarashada, xafiiskayga waxaa iigu timid gabar Aljeeriya u dhalatay oo ka socotay wargeys ka hadla hiddaha iyo dhaqanka dalka Aljeeriya… Waxay iga waraysatay sidii farta af Soomaaliga loo qoray ee looga soo shaqeeyay, intii ka qaybqaadatay iyo mashaakilkii iyo dhibaatooyinkii innaga hor yimid. Arrimahaas oo dhan markii aan uga sheekeeyay, waxay igu tiri: ‘Marka ugu horraysa, waan idinku hambalyaynayaa.’ Dabadeedna waxay tiri: ‘Ma ogtihiin inaad miino ku dul taagan tihiin?’

Maye, ma ogi baan ku iri. Maxay se tahay miinadu? Waxay tiri: ‘Afrika laba dal baa isku dayay inay qoraan afkooda. Labadaas dal oo kala ah Kiinya iyo Itoobiya oo aad deris tihiin, labaduba kuma guulaysan, kamana gaarin meeshii la doonayay. Wayna shaqayn weyday. Inta kale, marka laga reebo dawladaha Carabta ee Waqooyiga Afrika deggan, waxay ku dhaqmaan afafkii gumaystayaashu kaga tageen dalalkaas: Ingiriis, Faransiis, Beljim iyo Holland/Netherlands. Waddamadaasina ma oggola in luqaddooda laga gudbo, dhaqankooda iyo hiddahoodiina laga tago. Weli waxay ku hawllan yihiin inay ummadda maskaxda ka sii haystaan. Arrintaasi waa miinada aad ku dul taagan tihiin. Sababtuna waa in aad arrimahoodii dhex gasheen dawlado waaweyn oo aqoon, dhaqaale, saamayn, miisaan, ciidan iyo taariikh dheerba leh. Maalin maalmaha ka mid ahna waxay noqon doontaa miino idinku qaraxda.’”

Sida ay gabadhaasi tilmaantay, dawladihii awoodda lahaa ee dunida gumaystay ma doonayn in laga xarig furto. Waddamadii ay siiyeen xorriyadda waxay ka rabeen xorriyad magac-u-yaal ah, ee si buuxda ugama tegin. Dhaqan ahaan, hidde ahaan iyo dhaqaale ahaanba waxay rabeen in iyaga loo hoos joogo.

Madaxdii Soomaalidu way ku saxnaayeen inay ka fekeraan, u hawlgalaan, ugu dambaynna meelmariyaan qoridda afkeenna. Dhabtii, dadkii hawshaas qabtay abaal aan la gudi karin ayay nagu leeyihiin. Haddii aysan iyagu ahaan lahayn, maanta maan qoreen sadarradan, adiguna maad akhrideen. Intaas oo keliya ma aha ee, waxaa dhici lahayd in Hargeysa af Ingiriisi looga hadlo, Xamarna af Talyaani looga hadlo, sidaasna laba qowmiyadood lagu kala noqdo, gobollada la haysto inta aan la gaarinba.

Helitaanka far uu afkeennu leeyahay wuxuu udub u ahaa in afkeennu noqdo kan mideeya ee isku xira Soomaalida oo dhan, kuwii xor ahaa iyo kuwii gumaysiga ku hoos jirayba. Maanta afkeenna qoran ayaa sabab u ah in buugta ka soo baxda meel kasta oo geyiga Soomaaliyeed ka mid ahi si siman looga akhristo dhammaan dhulweynaha Soomaaliyeed, Jabuuti ilaa Siyeelloow.

Hubaashii, waxaa laga yaabi lahaa in maanta dalkeennu u qaybsanaan lahaa qayb Ingiriisi ku hadasha iyo qayb Talyaani ku hadasha, dhinac kastana uu xoogga saari lahaa in tiisa la qaato, sidaasna iscolaadin iyo nacayb gacan ka hadal gaara uu ku dhalan lahaa. Ha u qaadan wax fog in la isku layn lahaa Talyaani baa lagu hadli iyo Ingiriis baa lagu hadli, waayo, waxaa jira waddamo Afrikaan ah oo arrintaas colaad uga aloosan tahay. Tusaale ahaan, dalka Kaamiruun waxaa ka socda dagaal u dhexeeya labada dhinac ee u kala hadla Ingiriis iyo Faransiis. Marka dagaalkaas la tilmaamayo, waxaa loogu yeeraa “Anglophone-Francophone War”, oo macnaheedu yahay dagaalka u dhexeeya kuwa af Ingiriiska ku hadla iyo kuwa af Faransiiska ku hadla.

Dhinaca kale, madaxdeennii kuma baraarugsanayn dakanooyinka ay galeen. Miinada ay gabadhaas weriyaha ahi garatay, madaxdii hawsha farta loo xilsaaray warba kama hayn. Dagaal aad ogaal ku gashay waxba kaama dhimo. Waad u diyaargarowdaa, guul iyo guuldarrana midkood ayaad ku talagashaa. Midka se aad indho la’aan ku gasho ama gondahaaga ka dhasha, sahal uma haleeshid maarayntiisa.

Wasiir Aadan wuxuu kaga jawaabay weydiintii inantu ahayd “Ma xasuusataan inaad miino ku taagan tihiin?” isagoo yiri: “Ma xasuusni, laakiin innagu waan diyaargarownay. Arrintaasi waxay na siinaysaa geesinnimo ah inaynu nahay ummad isku kalsoon, Ilaahayna ku kalsoon. Sidaas baynu ku qornay…”

Waa adag tahay in la fahmo sida ay ugu diyaargaroobeen miinada uu qirayo inuusan warba u hayn. Waxay tusaale u tahay sida madaxda Soomaalidu u sahashato dhibaatooyinka dibedda kaga iman kara. Waa arrin kale oo tilmaamaysa sida dhaqankii miyigu saamayn baaxad weyn ugu yeeshay dhaqanka siyaasadeed ee dalka. Dhaqanka Soomaalida kuma jirin basaasnimo iyo raadinta xogta hoose. Colaadaha dhex mari jiray ma ahayn kuwo u baahnaa raadinta xogta hoose, ogaanshaha cududda ciidanka reerka kale ama soo jaajuusidda waxa ay damacsan yihiin. Wax la qariyaba lama aqoon. Dhaqankaasi markii dambe ayuu dawladnimadeennii galay, wuxuuna keenay in madaxda Soomaalidu aysan waxba ka soo qaadin xogaha iyo khataraha lala wadaago, kuwaas oo mararka qaarkood dalka gelin kara halis weyn.

Qoridda fartu laba jiho ayay lahayd: mid farsamo iyo mid siyaasadeed. Jihada farsamo waa middii loo saaray guddigii loo yaqaanay Guddiga Farta Soomaaliga, oo mar Muuse Galaal guddoomiye ka ahaa, marna Shariif Saalax. Jihadaas si wacan oo hawlkarnimo leh ayaa looga soo shaqeeyay, halkii la rabayna waa la dhigay. Dhammaan farihii kala duwanaa ee la soo bandhigay ayay falanqeeyeen. Mid kasta wixii caqabad iyo culays ah ee uu lahaa ayay eegeen, ugu dambaynna middii la qumanaatay ayay qaateen.

Jihada siyaasadeed waxay ahayd in xukuumadihii jiray xilliyadii farta lagu mashquulsanaa ay ka fekeraan maaraynta iyo u diyaargarowga colaadda ka dhalan karta madaxbannaanida afeed ee loo socday in la gaaro. Taasi ma dhicin. Sida hadalka wasiirka ka muuqata, wax shiddo lehba looma arag.

Wasiirkani wuxuu ahaa ninkii mas-uulka ka ahaa meelmarinta farta, dejinta siyaasaddeeda, eegidda caqabadaha iman kara, sida looga gaashaaman karo wixii ka yimaadda iyo sida la isaga difaaci karo wixii soo kordha. In uu jawaabo u diyaariyo su’aalahaas iska daaye, xataa warba kama hayn in farta la qaatay ay abuuri karto cadaawad.

Adiga oo aan qoorta dhiiban ayaa laga fekeraa sida aad isaga furdaamin lahayd dhibaatooyinka kaa soo gaari kara arrimo kuu gaar ah oo masiiri ah. Se dhaqankii geeljiruhu sidaas ma aha. Ma aha mid ka cabsada berri iyo cid maqan wax la jira!

Kuwa ka carooday ee Soomaalida ku colaadiyay farta ay qoratay ma ahayn reer Galbeed oo keliya. Waddamadii Carbeedna waxay gaareen meel ay reer Galbeedku ka fogaayeen. Wasiirkii Waxbarashada Soomaaliya, Aadan Maxamed Cali, ayaa sheegay inay shir kaga qaybgaleen dalka Marooko. Shirkaas, oo dhex marayay waddamada ku midaysan Jaamacadda Carabta, waxaa Soomaaliya hoggaaminayay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre. Wasiir Aadan wuxuu sheegay inay haaraan iyo hujuun badan kala kulmeen waddamadii Carbeed ee halkaas yimid, kuwaas oo aad uga caraysnaa farta ay Soomaaliya qaadatay. Wuxuu sheegay in Madaxweyne Siyaad uu isaga xilsaaray ka hadalka arrimaha farta iyo taageero u raadinteeda. Wuxuu yiri:

“Shirkaas oo Marooko ka dhacay aad ayuu noogu adkaa. Mashruuca aan wadnay wuxuu ahaa adkaynta iyo xoojinta afka Carabiga. Waxaan ku niri: ‘Annaga waddankayaga afka Carabiga waxaa lagu dhigtaa dugsiyada Qur’aanka iyo xalaqooyinka masaajidda. Dadkayagu waxay u badan yihiin xufaadul Qur’aan, diintuna aad ayay noogu dheer tahay. Laakiin duruufo gaar ah ayaa keenay in aan farta Laatiinka qaadanno.’ Arrintaas aad ayaan u difaacnay, waanna qancinnay oo ka dhaadhicinnay waddamadii intooda badnaa, marka laga reebo waddamada Khaliijka Carabta. Waddamadii kale gacan xoog leh ayay nagu siiyeen arrintaas markii aan caddaymo keennay oo aan niri: ‘Annaga, haddii ay noqon lahayd xagga dhaqaalaha, xagga farsamada, kaalmo la’aanta, waddamada nagu wareegsan iyo waxa na kala haysta…’ Waan ku guulaysannay in aan ku qancinno waddamadii intooda badnaa.”

Sida ka muuqata hadalka wasiirka, dalalkii Khaliijka oo ahaa kuwa saamaynta ugu badan ku lahaa, ilaa maantana ku leh Soomaaliya, waxay la gaddoomeen ciil iyo caro ay ka qaadeen farta Soomaalidu dooratay. Waxay ku biireen safkii gumaystaha ee miinada qarxinteeda u hawlgalay. Waxay Soomaalida u arkeen masaakiin kibirtay, waxayna guntadeen in tabartooda la tuso. Dhinac waxay ka tusayeen walaalnimo, dhinaca kalena waxay qodayeen godkii lagu xabaali lahaa agoonka madiga ah ee laandheeraha isku maleeyay!

Carabtu markii ay doonayso inay nala dagaallanto, waxay naga soo gashaa masaajidda iyo culimada. Iyaga ayay saartaa manhaj liddi ku ah Soomaalida iyo jihada ay u socoto. Dawladda Masar waxay ka mid ahayd waddamada xiriirka dheer la lahaa Soomaaliya. Ayaamihii la doonayay xornimada, abaal ayay gashatay Soomaaliya. Maddaaris, iskuullo iyo culimo qayb ka noqda ilaalinta diinteenna suubban ayay soo dirtay. Markii xorriyadda la qaatay, weli garab ayay Soomaaliya u ahayd. Danaheedaba ha ku jireen, dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya dhex maray xoogaa hub ah ayay Soomaaliya ku kaalmaysay. Hubkaasina xaqiiqdii wax weyn ayuu taray.

Markii ay meesha ka baxday xukuumaddii Cabdirashiid, Masar waxay halis u aragtay Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo talada la wareegay. Abaalkii ay Soomaaliya u gashay iyo taageeradii yarayd ee ay weli siinaysay ayay doonaysay inay u beddesho aalad gumaysi. Cabdirisaaq wuxuu sheegay in Masar ay la gashay dagaal toos ah, ilaa ay masaajiddii iyo maddaaristii ay Xamar ku lahayd ka dhigtay meelo lagu faafiyo dacaayado ka dhan ah xukuumadda.

Culimadii ayay nagu direen. Dawlad dabadhilif u ah reer Galbeedka ayay nagu shaabbadeeyeen. In aan dalkii ka iibinnay reer Galbeedka ayaa si joogto ah loogu soo qaadan jiray khudbadaha jimcaha. Sidaas oo kale, Carabtii Khaliijka ayaa culimada ugu kicisay dawladdii Soomaaliya. Masar marnaba si cad uma sheegan eed gaar ah oo laga galay. Sidaas oo kale, dalalkii Khaliijku wax loo dhibay ma sheegan ee dad u shaqeeya ayay dalka ka adeejiyeen.

Dagaalkii 1977 ayay si cad isu muujiyeen aargoosigoodii markii ay garabkeenna ka baxeen. Haddaba, dagaalkii 1977 wuxuu qarxay iyadoo Soomaaliya saddex sano ka tirsanayd ururka Jaamacadda Carabta.

Madaxweynihii waqtigaas, Jaalle Siyaad, wuxuu u duulay dalalka Carbeed, isaga oo dhinac kala socodsiinaya xaaladda soo korortay, dhinaca kalena ka doonaya kaalmo dhaqaale iyo saanad milatari. Sida uu qoray Admiral Faarax Axmed Cumar Jaalle Siyaad wuxuu tagay Sacuudiga oo la kulmay madaxdiisa. Madaxda dalkaasi waxay sameeyeen ballanqaad dhaqaale, balse waxay shardi uga dhigeen in Badda Cas ay noqoto bad Carbeed.

Bishii sagaalaad 1977, xilligii uu dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya marayay heerkiisii ugu adkaa, wasiirrada arrimaha dibadda ee Carabta ayaa si wadajir ah u soo saaray bayaan caddaynaya in ururka Jaamacadda Carabtu dhexdhexaad ka yahay dagaalka. Inkasta oo dagaalku u dhexeeyay xubin ka tirsan ururka iyo dal kale, Soomaaliya marnaba ma filayn in Carabtu qaadan doonto mawqif noocaas ah. Isla bayaankaas ayay Carabtu ku sheegtay in dagaalka la joojiyo, wadahadalkana dib loo furo. Waxay ahayd dharbaaxo mooraal jebisay Soomaaliya iyo tumaati dhabarka lagala dhacay xilli xaalku aad u xumaa.

Xaqiiqdii, go’aankii far u samaynta af Soomaaliga wuxuu ahaa go’aan masiiri ah oo hirgelintiisu dalka u ahayd dhalinta gobannimo buuxda. Meesha dhaliishu ka jirto se waa sida loo wajahay, gaar ahaan u diyaargarowga iyo ogaanshaha in eed la galay. Soomaalidu qabweynideeda ayaa ku tiri: “Oo ma Carab baan uga baqaa farta carruurtaydu u baahan tahay? Cirka ha soo dumiyaan, cadceeddana ha damiyaan haddii ay doonaan. Loo joojin maayo.”

Iyada oo aan cidna loo joojin ayaa la xeeladaystaa, aadna la isugu dayaa in hadafkaaga lagu gaaro cunfi la’aan. Arrinta fartuna waxay ahayd mid la xiriirta arrimaha gudaha oo, ilaa xad, dhibaatada ka timaadda la xakamayn karay ama ugu yaraan lala noolaan karay.

Sidaas ayay Carabtii aan ehelka moodnay ee u irkannay noola dhaqmeen, sidii innaga oo ah dal yar oo dhinacii ay doonaan u jihayn karaan. Waxay doonayeen inay nagu sandulleeyaan dhaqanka iyo hiddaha Carbeed. “Nama qabato haddii aan niri waa inoo tahay,” ayay noogu jawaabeen.

Xogo intaas ka sii badan oo isla mawduucan ku saabsan waxaad uga bogan doontaan buug dhawaan soo bixi doona oo cinwaankiisu yahay “Soomaaliya Maxay Saaxiib u Waday”, oo uu qorayo isla qoraha maqaalkani.

WQ: braahin Aadan Shire

Taariikhyahan iyo Qoraa

Ka Hel Goobjoog Wixii Cusub

From the comments