Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaa ka socda diyaargarowgii ugu danbeeyay ee lagu soo dhowaynayo shirka “Africa Forward Summit”. Inkasta oo magacii hore ee France-Africa loo beddelay Africa Forward, haddana wuxuu qeyb ka yahay rabitaan gurracan oo labaatankii sano ee u danbaysay ku soo noqnoqonayay caasimadaha dalalka Yurub. Laga soo bilaabo Rome ilaa Paris, iyo Berlin ilaa Brussels, waxaa caado noqotay in 54 dal oo Afrikaan ah loogu yeero hal madal, si ay ula kulmaan hal madaxweyne ama hal ra’iisulwasaare oo Yurubiyaan ah.
Aragti
AFRIKA & SHIRARKA YURUB: ISKAASHI MISE GUMAYSI CASRIYAYSAN?

In qaarad dhan oo dadkeedu gaarayo 1.5 bilyan oo qof iyo 54 dawladood ay saf u galaan hal dal oo Yurubiyaan, wuxuu dhaliyay su’aalo masiiri ah oo taabanaya madaxbannaanida iyo mugga diblomaasiyadeed ee Afrika: Ma iskaashi dhab ah oo ku qotoma sinnaan baa socda, mise waa tartankii qarniga 21aad loogu jiray kheyraadka qaaradda duqda ah, iyada oo la adeegsanayo habab casri ah?
Sida ay tiri diblomaasiyadda u dhalatay dalka Zimbabwe, Dr. Arikana Chihombori-Quao oo ah mid ka mid ah aqoonyahannada ugu waaweyn ee ka faallooda arrimaha Afrika: “Haddii aadan miiska fadhiga ku lahayn ajande cad oo aad ku gorgortanto, ogow waxaad ka mid noqonaysaa ajandayaasha kuwa kale.” Marka la eego xaqiiqada siyaasadda maanta, hadalkan waxa uu daaha ka faydayaa loollanka ba’an ee ka qarsoon shaashadaha warbaahinta iyo shirarka dhacaya.
Maqaalkani waxa uu falanqaynayaa sida shirarka u dhexeeya hal dal oo Yurub ah iyo 54ta waddan ee Afrika ay u noqdeen aalad dib loogu qaabaynayo saamaynta reer Galbeedka, iyadoo la baarayo taariikhdooda, danaha dhaqaale ee ku duugan, iyo sababta ay Afrika weli ugu dhiban tahay inay miiska la fariisato hal cod oo midaysan.
Si aan u fahanno asalka loollankan, waa inaan dib u eegnaa markii ay bilaabatay in qaarad dhan loogu yeero hal madal:
- Franç-afrique (1973): Faransiiska ayaa ahaa midkii hormuudka u ahaa qaabkan “hal dal iyo qaarad.” Shirkii ugu horreeyay ee France-Africa wuxuu ka dhacay Paris bishii Nofeenbar 1973. Markii hore wuxuu u muuqday naadi ay ku midoobeen Paris iyo dalalkii ay gumaysan jirtay, balse wuxuu hadda isu beddelay loollan siyaasadeed oo looga soo horjeedo saamaynta Shiinaha iyo Ruushka.
- Qaahira (2000) : Shirkii ugu horreeyay ee u dhexeeya Midowga Yurub (EU) iyo Midowga Afrika (AU) wuxuu ka dhacay magaalada Qaahira bishii Abriil 2000. Kani wuxuu ahaa isku daygii ugu horreeyay ee Yurub ay ku rabtay inay hal cod kula hadasho Afrika oo dhan, iyadoo lagu ballamay in saddexdii sanno mar la isu yimaado.
- Badashada Shirarka: Sanadihii u dambeeyay, waxaa soo batay shirarka noocan ah; Talyaaniga (Italy-Africa), Jarmalka (Compact with Africa), iyo xitaa Ingiriiska. Dhammaantood waxay wadaagaan hal sifo oo ah: Hal dal oo Yurub ah oo martigelinaya 54ta dal ee Afrika.
- Mawaadiicda Xuddunta u ah: In kasta oo magacyada la bedbeddelo, saddex qodob ayaa se mar walba miiska saaran. Kuwaas oo kala ah amniga, maalgashiga iyo isbeddelka cimilada.
- Muddada ay socdaan: Inta badan shirarkani waxay socdaan laba maalmood. Maalinta 1aad: waxaa xoogga la saaraa khudbadaha rasmiga ah, kulamada ganacsatada, iyo in madaxda ay fool-ka-fool u wada hadlaan. Maalinta 2aad: waxaa lagu soo xiraa bayaan wadajir ah oo lagu faahfaahiyo waxyaabihii lagu heshiiyay, in kasta oo badanaa heshiisyadaas aysan ahayn kuwo sharciyan lagu khasbanyahay.
- Goobta Martigelinta: Markii hore, caadadu waxay ahayd in shirka lagu qabto caasimadda dalka Yurub ee martida loo yahay (sida Paris ama Rome). Balse, sannadihii u dambeeyay waxaa la bilaabay nidaam meerto oo ah in hal mar Yurub lagu qabto, marna caasimad Afrikaan ah. Tan waxaa loo sameeyaa si loo yareeyo eedaha ah in Yurub ay u yeerinayso Afrika. Shirarkan waxaa weheliya kulamo hoose oo loo yaqaanno kulandoceedyo, kuwaas oo u dhexeeya ururrada bulshada rayidka ah, dhallinyarada, iyo haweenka. Tani waa xeelad ay Yurub ku rabto inay ku kasbato shacabka Afrika, maadaama xiriirka madaxda oo kaliya uu mararka qaar keeno nacayb bulsho.
- Sababta keentay: Yurub waxay doonaysay inay haysato saamayn joogto ah, kadib markii uu dhammaaday gumaysigii rasmiga ahaa, si ay u sugto amniga tamarta iyo xuduudaheeda. Sida uu yiri mid kamid ah falaasifada diblomaasiyadda ee ugu caansan, Henry Kissinger: “Diblomaasiyadu waa farshaxanka lagu xakameeyo awoodda.” Shirarkani waxay u adeegayeen aaladda ay Yurub ku xakamayso hammiga iyo kheyraadka Afrika.
Halkaan marka la joogo, su’aashu waxay tahay: maxay Yurub hadda ugu tartamaysaa Afrika? Siyaasadda adduunka waxay maraysaa xilli uu dib u dhashay loollankii u dhexeeyay Bariga iyo Galbeedka. Maadaama Shiinaha uu Afrika ku maalgalinayo balaayiin doollar oo kaabayaasha dhaqaalaha ah, Ruushkana uu galaangal milatari ka helay Galbeedka Afrika, Yurub waxay istusisay in “dhulkeedii” laga qabsaday!
Sida uu Niccolò Machiavelli ku sheegay buuggiisa The Prince: “Libaaxu iskama difaaci karo dabinnada, yeyduna iskama difaaci karto libaaxyada. Sidaa darteed, waa in qofku noqdaa dawaco si uu u garto dabinnada.” Yurub waxay hadda u muuqataa inay ciyaarayso doorkii “Dawacada.” Waxay Afrika u ballan-qaadaysaa iskaashi iyo maalgashi cagaaran, balse ujeedada hoose waa inay ka fogeeyaan Shiinaha iyo Ruushka, islamarkaana ay helaan gaaska iyo saliidda Afrika, si ay uga maarmaan Ruushka.
Dhaawaca Diblomaasiyadeed
Sawirka ah in 54 madaxweyne oo matalaya qaarad dhan ay saf u galaan kulan ay la yeelanayaan hal hoggaamiye oo Yurub ah, wuxuu abuurayaa waxa ay dadka qaar ugu yeeraan dhaawac diblomaasiyadeed. Sawirkaas wuxuu caalamka u dirayaa farriin ah in weli uu jiro kala sarrayn aan la dhihi karin waa iskaashi dhab ah. Dhinaca habmaamuuska, waa arrin lala yaabo in madaxda qaarad dhan looga yeero caasimad, sida Paris ama Rome, si ay u dhegaystaan khudbadda hal qof. Tani waxay meesha ka saaraysaa mabaadi’da sinnaanta qarannimada ee xeerarka caalamiga ah.
Marka qaarad dhan loola dhaqmayo keli-keli iyo dal-dal, waxaa lumaya xoogga gorgortanka ee Afrika. Yurub waxay awood u yeelanaysaa inay dal walba gaarkoisa ula heshiiso, iyadoo adeegsanaysa baahida dalka kasta, taas oo kala dhanyaalaysa awoodda qaaradda, isla mar ahaantaasna meesha ka saaraysa in Afrika ay hal cod ku dalbato isbeddel dhab ah oo dhinaca ganacsiga iyo daynta ah.
Inkastoo Midowga Afrika (AU) uu leeyahay qorshaha “Agenda 2063”, haddana marka la joogo shirarkan oo kale, ururku wuxuu u muuqdaa mid aan lahayn awood uu ku xakameeyo madaxda xubnaha ka ah. Waxaa jira tartan hoose oo u dhexeeya dalalka Afrika, halkaas oo mid kastaaba uu rabo inuu isagu noqdo saaxiibka kowaad ee Yurub si uu u helo kaalmo ama maalgashi.
Tani waa daciifnimo weyn oo muujinaysa in Midowga Afrika uusan weli gaarin heerkii uu ku matali lahaa qaaradda sidii hal unug oo isku duuban. Halkan marka la joogo, waxaa lagama maarmaan ah inaan dib u xusuusanno dardaarankii dahabiga ahaa ee aabihii midnimada Afrika, Kwame Nkrumah, kaas oo mudo 60 sano kahor ah arkay dabinka hadda la dhigayo. Nkrumah wuxuu yiri: “Afrika waa inay midowdaa, haddii kale waxay u nuglaan doontaa gumaysi cusub oo dilaa ah. Haddii aynaan midoobin, waxaan noqon doonnaa uun dhibco yar yar oo khariiradda adduunka ku yaalla, kuwaas oo loo adeegsado danaha kuwa kale.”
Nkrumah wuxuu rumaysnaa in haddii aan la helin midow dhab ah (“United States of Africa”), qaaraddu ay ahaan doonto goob lagu loollamo, oo dalalka Yurub iyo kuwa kale ay si gooniqgooni ah u liqi doonaan madaxbannaanida dalalka Afrika.
Marka la isku soo duubo waxaa cad in shirarka dhex mara Afrika iyo dalalka Yurub ay yihiin seef laba af leh. In kasta oo ay xambaarsan yihiin fursado maalgashi iyo ballanqaadyo dhaqaale, haddana qaab-dhismeedkooda hadda waxa uu sii xoojinayaa nidaamka gumaysiga cusub ee uu Kwame Nkrumah ka digay in ka badan nus qarni kahor. Roogga guduudan ee loo dhigo madaxda Afrika ma qarin karo xaqiiqada ah in qaaraddu ay weli la tabaalaysan tahay qorshaa-la’aan iyo kalaqaybsanaan dhexdeeda ah.
Si looga baxo dabinkan diblomaasiyadeed, waa in la qaadaa saddex tallaabo oo masiiri ah:
- Marka koowaad: Waa in shirka Africa Forward ee ka furmaya Nairobi uu noqdaa barta isbeddelka. Waa in madaxda Afrika ay miiska la fariistaan Emmanuel Macron iyaga oo wata hal buug oo ay ku qoran yihiin dalabyada qaaradda, halkii uu dalka kastaa goonidiisa u dawarsan lahaa.
- Marka labaad: Waa in la soo afjaro dhaqanka ah “hal hoggaamiye Yurub iyo 54 madaxwayne afrikaan ah.” Afrika waa inay diiddaa in qaarad dhan loogu yeero hal caasimad, loona guuraa iskaashi dhab ah oo u dhexeeya laba urur oo siman (Midowga Afrika iyo Midowga Yurub). Tani waa habka kaliya ee lagu dhowri karo sharafta madax-bannaanida Afrika.
- Marka saddexaad: Madaxda Afrika waa inay ogaadaan in sharaftoodu aysan ku jirin sawirrada ay la galaan madaxda reer Galbeedka, balse ay ku jirto Midnimadooda. Sidii ay tiri Dr. Arikana Chihombori-Quao, haddii aanaan miiska la tegin ajande qeexan, waxaad kamid noqon doontaa uun qorshayaashooda.
Guntii iyo gabagabadii, mustaqbalka Afrika kuma xirna deeqaha Paris ama Rome laga soo saxiixo, wuxuuse ku xiran yahay inta uu la egyahay go’aanka ay madaxda qaaraddu ugu midoobayaan danta dadkooda.
Su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay: Ma arki doonaa madaxda Afrika oo u dhiirran inay midnimada ka doorbidaan danaha yaryar ee dalkooda, mise Nairobi waxay noqon doontaa uun goob kale oo lagu cusboonaysiiyo silsiladaha gumaysiga casriga ah ee lagu dabro aayaha qaaradda Afrika?

From the comments