Goobjoog

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Kormeer Shaqo Ku Tegay Taliska Kumaandooska Gorgor

MUQDISHO (Goobjoog News) — Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta booqasho shaqo ku tegay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor ee magaalada Muqdisho, halkaas…

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Kormeer Shaqo Ku Tegay Taliska Kumaandooska Gorgor

MUQDISHO (Goobjoog News) — Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta booqasho shaqo ku tegay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kormeer ugu kuurgalayey xaaladda ciidamada iyo howlaha amni ee horyaalla.

Markii uu halkaas gaaray, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Taliyaha Qaybta 1-aad ee Gorgor, Gaashaanle Sare Saahid Jaamac Faarax (Jarrare), iyadoo taliyuhu uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka kumaandooska.

Taliye Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa khudbad dhiirrigelin iyo dardaaran ah u jeediyay saraakiisha iyo ciidanka Guutada 21-aad ee Gorgor. Wuxuu ciidanka si adag ugu boorriyay inay si daacadnimo iyo hufnaan leh u gutaan waajibaadkooda qaran, isla markaana ay dhowraan anshaxa ciidanimo iyo isku-duubnida guud.

Taliyaha ayaa sidoo kale ku adkeeyay askarta iyo saraakiisha inay mar kasta joogteeyaan heeganka sare iyo diyaargarowga ciidan, si ay si buuxda oo degdeg ah uga jawaabaan waajibaadka qaran ee loo xilsaaray, gaar ahaan hawlgallada socda ee dalka lagu xorraynayo.

Kormeerka kadib, Taliyaha Xoogga Dalka ayaa kulan gaar ah oo xasaasi ah la qaatay saraakiisha hoggaanka ee Gorgor. Kulamadaas ayaa si qoto dheer looga hadlay xaaladda guud ee ciidanka, xoojinta hoggaanka, tayeynta isku-xirka howlaha, taakulaynta ciidamada, iyo sidii loo kobcin lahaa awoodda hawlgal ee Kumaandooska Gorgor si loo dardargeliyo hawlgallada qaran.

Ka Hel Goobjoog Wixii Cusub

From the comments