Baydhabo: Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guud Saalax Cabdullaahi Cumar, oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo, oo ah xarunta ku-meelgaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Taliyaha iyo wafdiga la socday ayaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo waxaa ku soo dhaweeyay Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Sare Isxaaq Aadan (Isxaaq Berdaale) iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka XDS.
Markii uu gaaray magaalada, Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa salaan sharaf ka qaatay cutub ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo safnaa garoonka diyaaradaha.



From the comments