Ciidamada ammaanka ee magaalada Beledweyne ayaa ka hortagay fal argagixiso oo la sheegay in ay qorsheynayeen labo xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo doonayay in ay weerar ka geystaan xaafadda Xaawo-taako ee magaalada Beledweyne.
Howlgal ay sameeyeen ciidamada ammaanka ayaa lagu dilay mid ka mid ah labada qof ee la tuhunsan yahay, halka kan kale lagu qabtay isagoo nool.
Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in tallaabadan ay ka hortagtay weerar ay ku tilmaameen mid waxyeello u geysan lahaa shacabka magaalada.
Saraakiisha ammaanka ayaa warbaahinta u sheegay in shacabka Beledweyne ay door ka qaateen xogta iyo iskaashiga lagu fashiliyay qorshaha weerarka, iyagoo ku booriyay bulshada in ay sii xoojiyaan wada shaqeynta ciidamada.
Gudaha magaalada Beledweyne ayaa lagu soo bandhigay meydka qofka la dilay iyo qofka la qabtay, iyadoo ciidamada ammaanka iyo shacabka ay muujiyeen isku duubni ku aaddan ka hortagga falalka amni darrada ah.
Taliyaha Booliiska degmada Beledweyne ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalka, isagoo sheegay in ciidamada ammaanku ay sii wadi doonaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga magaalada iyo ka hortagga falalka ay qorsheynayaan kooxaha hubeysan.
From the comments