Shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa lagu wadaa inay maalinta Axadda dib u billowdo duulimaadyada isku xira caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa iyo magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigray.
Dib u bilaabista duulimaadyadan ayaa imaanaysa kaddib isbeddello amni oo dhowaan ka dhacay magaalada Mekelle, kuwaas oo ay ka mid yihiin wararka sheegaya in ciidamada Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) iyo xoogagga la safan ay magaalada ka baxeen.
Maalintii xigtay, ciidamada difaaca qaranka Itoobiya (ENDF) iyo maleeshiyaad la safan oo loo yaqaan Ciidamada Nabadda Tigray (TPF) ayaa la sheegay inay gudaha u galeen magaalada.




From the comments